Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: darfooley
johorad ld jawharad.
jolob In yar caano, badar, biyo iwm ah.
joodari Gal weyn oo maro ah oo sariirta dherer la eg oo inta waxyaalo jilicsan sida cudbi, dhogor, isboonyo iwm laga buuxsho si gaar ah loo tolo, sariiraha la saaro oo lagu kor seexdo; koodari; kashkaash. ld goodari.
joof Timo adag oo taagtaagan.
joog (1) 1. Cabbirka dherer ee wax taagani leeyihiin. 2. (-gag, m.l) Dhar ama kabo mar la isu qaadan karo. 3. ld jeeg (1). Weel bir ama macdan ka samaysan, siddo iyo dabool leh oo wax lagu shubto.
joog (2) (juqr.) Fogaanshaha qotonka ee ka sarreeya celceliska bad la simanta laguna cabbiray mitirro ama cago.
joog (3) 1. Meel ku nagaan. 2. Jirid; noolaansho.
joog ekeeye Xarriiq isku xira meelaha jooggoodu isku mid yahay ee ka sarreeya bad lasimanta.
joogajooge 1. Socod aan la joogsanayn maalin dhan. 2. Taag-naan aan nasiino lahayn. 3. Cucub.
joogbeege Qalab lagu cabbiro joogga dhulka.
joogid eeg joog². ld joogis.
joogis ld joogid.
joogjoog Meel dan la'aan u joogid.
joogjooge 1. Dhis maqaar, qoryo, iyo caws laga sameeyo oo qaab nirgood ama weylood leh oo la tuso hasha ama saca ilmihiisu dhinto, si uu u godlado. 2. Socod dheer oo aan nasiino lahayn oo maalin la socdo.
joogjoogid eeg joogjoog.
joogjoogle 1. Roob aan kala go'lahayn oo habeenkii da'a. 2. Legdan laba qofood oo kala xoog badan oo kan xoogga badani labadiisa gacmood laabto oo lugaha kaliya ku legdamo.
joogjoogsad ld joogjoogsasho.
joogjoogsasho eeg joogjoogso. ld joogjoogsad, joogjoogsi.
joogjoogsi ld joogjoogsasho.
joogjoogso 1. Socod hadba meel istaagid. 2. Ku j.: qof dhulka jiifa oo muruq hayo si turaal ah ugu istaagid.
joogsad ld joogsasho.
joogsasho eeg joogso. ld joogsad, joogsi.
joogsi 1. Astaan dhibic ah oo hadal dhan oo qoraal ah dhammaadkiisa lagu dhigo. 2. ld joogsasho.
joogso 1. Socod joojin. 2. Fadhi ka istaagid.
joogtee Fal si joogto ah u qabasho.
joogteyn eeg joogtee.
joogteyn-naytaroojiin (kiim.) Dariiqad kiimikeed taas oo naytaroojinta gibilku isu beddesho iskudhisyo orgaanik ah noolayaasha dhexdooda, ka dibna ay marto meertada naytroojiin. Kartida lagu joog-teynayo naytaroojiinta waxa iska leh bak-teeriya aar ah.
joogto (1) 1. J. ah: wax aan isbeddel lahayn ama aan kala go'ayn. 2. Shaqaale hay'adeed oo aan maalin goosato ahayn.
joogto (2) (nax.) Ammin faleed tilmaama fal dhacaya isla marka la joogo oo lagu dhawaaqayo warka.
joohaar Mas if badani uurka uga jiro oo habeenkii inta la soo baxo ilayskeeda ku ugaarsado; masjoohaar.
<< < 854 855 856 857 858 859 860 861 862 863 864 > >>

 

Exit mobile version