Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gurxan
kaah (1) Iftiin yar oo wixii sababay sida dab, qorrax iwm ayan muuqan.
kaah (2) If muuqasho.
kaah-qorraxeed (fiis.) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.
kaaha-altaratyolet (fiis.) Kaahinta birlabdanabeed ee hirbaacoodu u dhexeeya kan midabka cinab sare iyo fallaadhaha-x (x=egs), taas oo ah inta u dhexeysa 400 naanomitiri (nm) iyo 4 naanoomitiri (nm).
kaahfalid (fiis.) Burburka dabiiciga ah ee ku dhaca bu'da atamyada qaarkood, ayna weheliso bixinta saxarrada alfa, bu'da heliyam, saxarrada beta elektaroonno, ama fallaaraha gaama.
kaahi Kaah wax ka keenid.
kaahid eeg kaah².
kaahin (1) Qof waxa soo socda ka warrama.
kaahin (2) eeg kaahi.
kaahin-birlabdanabeed (fiis.) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
kaahin-dulmadow (fiis.) Kaahinta kuleed ee ay dulmadow bixiso heer kasta ee heerkul, lehna filiqsanaan tamareed oo leh muuqaalka jeegaanta.
kaakac Tiro aan xad lahayn.
kaaki 1. Midab u dhow casuuraa. 2. Dhar adag oo badanaa askartu xirato.
kaal (1) Warmaha waaweyn nooc ka mid ah.
kaal (2) 1. Fandhaal weyn oo bir ama qori ka samaysan. 2. Dhulmadda labadeeda qalbac midkood. 3. Xoolo la siiyo qof guursaday.
kaal (3) Nin guursadey xoolo siin. ld kaali.
kaalandar (c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidib-dhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaa-landarka waxaa lagala kulmaa dhibaa-tooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.
kaalay (kaalaya, w) Agtayda imow.
kaalbaa Caano fadhi ah, oo si ay u adkaadaan biyihii laga miiray oo ay lagama maarmaantahay in lagu cuno fandhaal.
kaali ld kaal³.
kaalid eeg kaal³. ld kaalin² (2).
kaalin (1) 1. Ceelka meesha biyaha lagala soo baxo, darkana ku aaddan. 2. Meelaha shidaalka laga qaato.
kaalin (2) 1. Hawl guud inta qof kaga aaddan. 2. ld kaalid.
kaaliyam (kiim.) Summad : K. Bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; bar-karid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed:39.09.
kaaliye Qof caawiya qof hawl haya; gargaare.
kaalmayn eeg kaalmee.
kaalmaysasho eeg kaalmayso. ld kaalmaysi.
kaalmaysi ld kaalmaysasho.
kaalmayso Wax kaalmo ka dhigasho.
kaalmee Cid caawinid.
<< < 863 864 865 866 867 868 869 870 871 872 873 > >>

 

Exit mobile version