cunid eeg cun.
cunitaan Sida gasiinka loo cuno.
cunnaan eeg cunan. ld cunnaansho.
cunnaansho ld cunnaan.
cunnaddiid 1. Qof aan cuntada ka cuni karin inta caadiga ah. 2. C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan. ld cunnaddiidis, cuntaddiid.
cunnaddiidis ld cunnaddiid.
cunnammareen Dhuun dheer, isku xirta afka iyo caloosha oo gasiinku sii maro markuu caloosha u socdo.
cunniin God, dab iwm ciid ku aasid.
cunnimo God, dab iwm duugmid.
cunno Waxa nafaqada leh ee nafleydu marka ay calaaliso,caloosha geliso oo ku noolaato. ld cunto.
cunsii 1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin.
cunsiin eeg cunsii.
cunsur1 (canaasiir/-rro, m.dh) Meesha wax asalkiisu ka soo unkamay. cunsur2 Dhibaato waxyeello weyn geysato. cunsurguuri Cid si dhibaato weyn oo haysa ay uga baxdo u curraafayn ama Eebbe u baryid.
cunsurguurin eeg cunsurguuri. ld cunsurguuris (2).
cunsurguuris 1. Qof sixirka aad u yaqaan oo dadka wax ku yeela. 2. ld cunsurguurin.
cuntaddiid ld cunnaddiid.
cuntamid eeg cuntan.
cuntan 1. U c.: u qalmid; u dhigmid. 2. U c.: ka helid.
cuntayn eeg cuntee. ld cuntays.
cuntays ld cuntayn.
cuntaysii Cid cunto siin.
cuntaysiin eeg cuntaysii.
cuntee Wax cunid.
cunto ld cunno.
cunto-sumow (daaw.) Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo.
cuntodiid C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan.
cuntub 1. Koox askar ah wada jira. 2. Wax isku xiran sida miraha cinabka iwm.
cunug1 Ilma yar oo lab, wiil.
page : 89 of 95
<< < 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 > >>