kawrax (1) Wax qoyan oo aan si aad ah u engegin.
kawrax (2) In yar engegid.
kawrixi Si tartiib ah u engejin.
kawrixid eeg kawrax².
kawrixin eeg kawrixi. ld kawrixis.
kawrixis ld kawrixin.
kawtamid eeg kawtan².
kawtan (1) Cayaar quruurux lagu cayaaro oo jaadad badan u sii kala baxbaxda; shamako.
kawtan (2) Kaw-tan ciyaarid.
kax Meel bannaan oo aan lahayn geedo dhaadheer, caws iyo nagaarse leh.
kaxaan Roobka ugu horreeya ee dayrta da'a.
kaxarbe ld gaxarbe.
kaxayn eeg kaxee.
kaxaysad ld kaxaysasho.
kaxaysasho eeg kaxayso. ld ka-xaysad, kaxaysi.
kaxaysi ld kaxaysasho.
kaxayso Wax soconaya oo meel joogey wadasho.
kaxee Wax soconaya oo meel joogey ka wadid.
kay (1) Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koobaad ee kelida ah. Tus. “Waa isku kay mid”.
kay (2) (kaayay, kayday; kaayi) ld kaay². .
kay (3) ld kayga². .
kayaga ld kaayaga².
kayd Cunno, lacag iwm oo meel loo dhigto in waa dambe la cuno ama wax lagu qabsado.
kayd-ayoonayn (kiim.) Summad: IP. Taranta loo baahanyahay in lagaga qaado hal elektaroon atam (ama molikiyuul koox) markuu yahay wejiga neefta.
kayd-faraq (fiis.) Summad: V. Hawsha lagu qabtay dhaqaajinta saldanab laba barood oo mareeg danab ka mid ah dhexdooda. Halbeegga Caalamiga ee keyd faraqu waa foolt (V). V = W/Q.
kayd-haye Qof wax kayd ah haya.
kaydi Wax kayd ahaan meel u dhigid.
kaydin eeg kaydi.
kaydsad ld kaydsasho.
kaydsan Wax la kaydiyey ahaansho.
<< < 893 894 895 896 897 898 899 900 901 902 903 > >>