Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: sidqaad
khaayin ld khaa'in.
khaayir (1) Si yasid iyo jeesjees leh oo cid loo fiiriyo.
khaayir (2) Si yasid iyo jeesjees leh cid u fiirin.
khaayirid eeg khaayir².
khaayis (1) 1. Cunto waqtigeedii dhammaa-day oo dhacday. 2. Cunto baryood ah.
khaayis (2) Cunto waq-tigeedii dhammaaday oo aan la cuni karin noqosho.
khaayisid eeg khaayis².
khabaar (1) Wax aan horey loo ogeyn oo laysu sheego ama la helo; war. ld khabar.
khabaar (2) U k.: cid war u dirid ama u sheegid.
khabaarid eeg khabaar².
khabaarsad ld khabaarsasho.
khabaarsasho eeg khabaarso. ld kha-baarsad, khabaarsi.
khabaarsi Dhibaato ay dhaliyeen col iyo abaar. ld khabarsasho.
khabaarso War raadsasho.
khabar (1) 1. Dhacdo naxdin leh. 2. ld khabaar¹.
khabar (2) (nax.) Curiye weerta ka tirsan oo tilmaama waxa yeelaha laga sheego. Tus. “Saalax waa wiil fiican”.
khabarsad ld khabarsasho.
khabarsasho eeg khabarso. ld khabarsad, khabarsi.
khabarsi ld khabarsasho.
khabarso Khabar raadsasho.
khabiid Qof aan weji furreyn oo xaasid ah.
khabiidnimo Khabiid ahaansho.
khabiir Qof laamaha cilmiga ama fanka mid ka mid ah aqoon gaar ah oo dheer u leh.
khad Wax shubma oo madow ama midab kale oo wax lagu dhigo ama wax lagu daabaco; anqaas.
khadar Nasiib wanaagsan.
khaddaab (1) Qad lagu xardho soo jeedka haweenka si loogu qurxiyo.
khaddaab (2) Haween soo jeedkeeda si loo qurxiyo qad ku xardhid.
khaddaabid eeg khaddaab².
khaddif (1) ld khatif¹.
khaddif (2) ld khatif².
<< < 899 900 901 902 903 904 905 906 907 908 909 > >>

 

Exit mobile version