Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: cawaarso
simid eeg sin².
siminaar Tababar muddo gaaban socda.
simuum (juqr.) Carabi. Dabayl kulul, qallalan ama meerkac dabayleed oo ka dhacda xilliyada Gu'ga iyo xagaaga saxaaraha iyo lama degaanta Carabta, waxa inta badan la socda qaddar cufan oo bataax ah oo yareeya ragtida xoogaa mitirro ah ama inta badan eber, marmarka qaarkoodna beddela qaabka meelaha ay marayso.
sin (1) Misig.
sin (2) 1. Laba wax ama ka badan isla ekeysiin. 2. Saf iwm qallooc ka bi'in. 3. Caddaalad wax ku maamulid.4. Dhaawac qiimayn. 5. Ku s.: cid maqan wax u sii ilaalin. 6. U s.: hadal joojin.
sin dur (daaw.) Mudidda ilaa muruqa dhexdiisa (cirbad).
sinaab (c.nafl.) Barta ay ku kulmaan laba dareenwade oo deris ah,taas oo ah inta u dhaxaysa dhammaadka miiq dareenwade iyo fadhaq dareenwadaha kan ku xiga. Sinaabyada xuubabka labada unug aad ayey isugu dhawyihiin. Gujada dareenwaduhu waxay kaga gudubtaa sinaabka miiq dareenwadaha caaradiisa oo soo daaya walax dareen-mootiye; taas oo dhex gesha ugana gudubta dululaatiga sinaab fadhaq dareenka dareenwadaha ku xiga.
sinaad Qiime; sicir.
sinan (1) ld siman¹.
sinan (2) ld siman².
sinaysasho eeg sinayso.
sinayso Ka s.: sino samayn.
sinbayr ld simbayr.
sindadabyo Nooc ka mid ah tabaha legdanka oo qofka inta sinta la saaro la legdo.
sindheer S. ah: gabar ku jirta da'da 15-18 sano oo aan weli hilibeysan.
sindi Siyaakhad shunufyo leh, qalin ka samaysan, cududdaha la gashado oo waayihii hore dumarku qaadan jireen.
sindiiq Qof diimo badan sheegta; gaal; kaafir.
sindiiqnimo Sindiiq ahaansho.
sineemo ld shineemo.
siniin eeg sano.
siniqsad ld siliqsasho.
siniqsasho ld siliqsasho.
siniqsi ld siliqsasho.
siniqso ld siliqso.
sinjaar (1) 1. Is-weheshadka iyo wada dhoofka gaadiidka badda. 2. S. ah: deris.
sinjaar (2) 1. Gaadiid badeed si ay isu weheshadaan hal mar wada dhoofid. 2. Deris si wanaagsan ula dhaqmid.
sinjaarid eeg sinjaar².
sinji 1. Aslalkii hore ee laga soo jeeday. 2. Dabci awooweyaasha laga dhaxlo.
sinjibiil Geedgaab laamo dhuudhuuban iyo caleemo sida kuwa meseggada u baxa leh, kana baxa Afrika iyo Aasiya oo leh bari dhadhan kulul oo cuntada lagu darsado, daawana laga sameeyo.
sinjidhaan 1. Qof aan lahayn wanaaggii lagu yiqiin dadkii uu ka dhashay. 2. Qof xun.
<< < 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 > >>

 

Exit mobile version