Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhiifoonaan
kidaar Nooc kibis ka mid ah.
kidfamid eeg kidfan¹.
kidfan (1) Wax kidif laga dhigay noqosho.
kidfan (2) Wax kidfan ahaansho.
kidfanaan eeg kidfan². ld kidfa-naansho.
kidfanaansho ld kidfanaan.
kidfid eeg kidif.
kidib Been.
kidif (1) Wax la jarjaray oo aad loo yaryareeyey cad ka mid ah; jab ama go'yar; qurub.
kidif (2) Wax is-haysta jarjar yaryar oo badan ka dhigid; qurbid.
kifaax (1) 1. Hawl qabashadeeda ama wax hanashadooda loo dagaallamo; halgan. 2. Raaxo.
kifaax (2) 1. Hawl qabashadeeda ama wax hanashadooda u dagaallamid. 2. Raaxaysasho.
kifaaxid eeg kifaax².
kifaayo In wax ku filan; wax deeqa.
kii (1) kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo lab, oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tus. “Kanu waa kii beryahanba aan raadinayay”: “Kii baa yimid”.
kii (2) ld kiisa².
kii (3) Qodob magac lab dib looga qodbo, kaasoo tilmaamaya waxay hadlaha iyo maqluhu isla ogyihiin. Tus. “Ninkii baa yimid”
kiil (1) 1. Beeg; miisaan; qiyaas; cabbir. 2. Bilow ciyaareed (turub).
kiil (2) 1. Wax cabbirid, beegid. 2. Ciyaar turub bilaabid.
kiilad ld kiilasho.
kiilan Wax la kiilay ahaansho.
kiilasho eeg kiilo. ld kiilad.
kiilayn eeg kiilee.
kiilee Wax kiilo ku cabbirid.
kiilid kiil².
kiilnaan eeg kiilan. ld kiilnaansho.
kiilnaansho ld kiilnaan.
kiilo (1) Kun garaam culayskood; kiilogaraam.
kiilo (2) 1. Wax cabbirasho; miisaamid. 2. Ciyaar turub bilaabasho.
kiilogaraam ld kiilo.
<< < 910 911 912 913 914 915 916 917 918 919 920 > >>

 

Exit mobile version