Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: siin
Koo1  (kuwoo, w) Mgacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. koo2  (kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) ld kow. koo-insaym  (baay.) Molikiyuul aan borotiin ahayn oo orgaanik ah, kaas oo ku xidhiidhiya molikiyuul insaym dedejinta falgallada baayokiimi-keed.
koob1  1. Weel yar oo badanaa dheg leh oo wax lagu cabbo; fijaan. 2. Qalab ka samaysan dahab, qalin iwm oo lagu kala qaato tartamada cayaaraha. koob2  1. Wax dham-maantood wada marid ama wada aqoon. 2. Soo k.: arrin iwm soo gaabin. koobaab1  ld goobaab¹. koobaab2  ld goobaab². koobaaban  ld goobaaban.
koobaabasho  ld goobaabasho.
koobaabid  ld goobaabid.
koobaabnaan  ld goobaabnaan.
koobaabnaansho  ld goobaabnaan.
koobaabo  ld goobaabo.
koobaad  ld koowaad.
kooban1  Ku k.: wax koobmay noqosho. kooban2  1. Wax la koobay ahaansho. 2. Ku k.: wax ku eg meel oo aan dhaafsaneyn ahaansho. “Ceebtaasi Cali bay ku koobantahay”. 3. Ka k.: wax dhawr shey isugu jira ahaansho. koobi  Ka k.: cid war xiiso leh sheegaysa hadal ka gurid.
koobid  eeg koob².
koobin  eeg koobi.
koobir  Minxiis.
koobmid  eeg kooban¹. ld koobniin.
koobnaan  eeg kooban². ld koob-naansho.
koobnaansho  ld koobnaan.
koobniin  ld koobmid.
kood1  1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (-do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa. kood2  ld kooda². kooda1  (kuwooda, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Kooda ayaa ka wanaagsan kiinna”. kooda2  Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Macallinkooda ayay la tashadaeen”. ld kood². koodh  ld koor¹.
koodhi  Canshuur dadka laga qaado.
page : 921 of 1584
<< < 916 917 918 919 920 921 922 923 924 925 926 > >>

 

Exit mobile version