Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: siin
kumbin  eeg kumbi. ld yumbin. ld kumbis (3).
kumbis  1. Hilib jiir ah oo laga dhigo cadad bagbagafsanoo subag lagu shiilo, kaydna gala. 2. Hog daawo ku jirta oo xoolaha cadhada qaba la geliyo si loogu daaweeyo; jarcays. 3. ld kumbin.
kumi  ld kuumi.
kummeelgaar  1. K. ah: qof jago uu hayo aan rasmi ku ahayn. 2. K. ah: wax isticmaalkood aan joogto ahayn ee inta wax rasmi ah laga helayo lagu sii sugo.
kumulas  (c.cimi.) Daruur u kobacsan si joog maangal, inkasta oo ay ka yartahay kumuloonombaas.
kumuloonimbas  (c.cimi.) Daruur culus oo madaw oo qaradeedu tahay, 4.500, mitir ama in ka badan. Badanaa waxay u fidsantahay si heebhaab ah oo u eg ubbad.
kumus  Hilib gumaarka fuula oo ay haweenka qaarkood leeyihiin.
kun  Tiro ka kooban toban meelood oo min boqol ah; toban boqolaad; “1000”.
kur1  Madax; unuun. kur2  1. Duco iyo Alla-bari dumarka uurka lihi sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow dahay; kuraysi; madaxshub; sagaalaysi; tararaysi. 2. Buur yar; kood. 3. Xeero yar oo bunka lagu shubto. 4. Weel qori ah oo qaabka dhiisha loo qoro oo lagu kaydiyo burcadka inta aan la shiilin. kur3  Wax si siman u goyn. kuraankur  1. Laf wareegsan oo lowga korkiisa ku taal. 2. ld karaankur.
kuraas  eeg kursi.
kuray  Will carruurnimo ka baxay oo aan weli qaangaarin.
kuraysad  ld kuraysasho.
kuraysasho  eeg kurayso. ld kuraysad, kuraysi.
kuraysi  ld kuraysasho.
kurayso  Haweeney kur samaysasho; sagaalaysasho.
kurbayn  eeg kurbee.
kurbaysan  Cid kurbo hayso ahaansho.
kurbaysnaan  eeg kurbaysan. ld kurbaysnaansho.
kurbaysnaansho  ld kurbaysnaan.
kurbee  Cid kurbo ku ridid.
kurbin  Xeero yar oo bunka lagu shubto. ld kur² (3).
kurbo  Dareen, welwel, cabsi iyo tiiraanyo leh oo ka dhasha mushkilad cusub oo cid ku timaadda oo aan maaro loo hayn.
kurboo  U k.: kurbo dareemid.
kurbood  eeg kurboo.
kurdad  Gashi dheer oo haweenku qaataan oo googgaradda qariya; canbuur.
kurdo  Nooc cawska ka mid ah oo beeraha waxyeeleeya.
kureeddo  Suuqada haweenku dhegaha ku qaataan jaad ka mid ah; dhego; hilgado.
page : 933 of 1584
<< < 928 929 930 931 932 933 934 935 936 937 938 > >>

 

Exit mobile version