Kur

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rar, m.l)

Madax; unuun.

Kur

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ro, m.l)

1. Duco iyo Alla-bari dumarka uurka lihi sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow dahay; kuraysi; madaxshub; sagaalaysi; tararaysi. 2. Buur yar; kood. 3. Xeero yar oo bunka lagu shubto. 4. Weel qori ah oo qaabka dhiisha loo qoro oo lagu kaydiyo burcadka inta aan la shiilin.

Kur

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

Wax si siman u goyn.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga kur

saabaan | gaafal | laama | rabaal | unuun | xamakow | abbaay abbaay | alwaax | ammaan | baar |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg