Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: siin
laba'aabbur1  1. Weel iyo aabburkii, sida dhiil iyo haruubkeed, oo inta labadaba la wada buuxsho, laysku aabburo. 2. Horay iyo gadaal uga imaashaha col si dhexda loo gashado oo loo laayo. 3. ld laba'aabburid. laba'aabbur2  1. Weel iyo aabburkii, sida dhiil iyo haruubkeed, oo inta labadaba la wada buuxsho, laysku aabburid. 2. Col si loo laayo horay iyo gadaal uga imaansho. laba'aabburan  Wax la laba'aabburay ahaansho.
laba'aabburid  eeg laba'aabbur². ld laba'aabbur¹ (3).
laba'aabburnaan  eeg laba'aabburan. ld laba'aabburnaansho.
laba'aabburnaansho  ld laba'aabburnaan.
laba-atamle  (kiim.) Molikuyuul ka kooban laba atam. Haydarojiin (H), ogsajiin (O), naytarojiin (N) iyo halojiinaduba waxay tusaale u yihiin curiyayaasha laba-atamlaha ah.
laba-danab  (fiis.) Ma-gudbiyaha dhextaalka u ah madhxiyaha, ee marka badad danab la dhex dhigo, dhaliya barabaxa danabka ee aan oggolaanin qulqulka danabka.
laba-duub  Magaca loogu yeero ugaarta inta geesaha leh, (labaduub, saddex-duub...) iyadoo laga soo qaaday wareegga geesaha, halkii wareegba (duub) hal gu'.
laba-eefle  (kiim.) Walaxda leh astaamaha asiidha iyo kuwa beyskaba. Ereygan waxa sida caadiga ah loo adeegsadaa ogsaydhada iyo haydarogsaydhada biraha sameeya ayoonnoo togan iyo ayoonnoo kakan oo taban labadaba.
laba-iyo-tobanle  (c.nafl.) Qaybta hore ee mindhicirka yar ee lafdhabarleyda. Waa meesha marka cuntadu caloosha ka timaaddo ay kula kulanto dheecaanka xammaytida (oo soo mara marinka xammaytida) iyo weliba insaymyo kale oo ay soo dhiijiyaan qanjidhada dheefshiidku laba tobanlaha laftigiisa, kuwaas oo looga baahanyahay burburinta borotiinnada, kaarboohoydraytyada iyo duxda.
laba-madaxle  (c.nafl.) Muruq laba madax leh. Laba madaxlaha cududda wuxuu ku yaal inta u dhexeysa isgooyska garabka ila isgooyska xusulka wuxuu laabaa cududda iyo dhudhunka wuxuuna xagga calaacasha u rogaa dhudhunka iyo gacanta laba madaxlaha shanshada wuxuu ku yaal xagga dambe ee bawdada wuxuuna qabtaa laabidda jilibka, fidinta bowdada iyo rogidda lugta xagga dibadda.
laba-nafle  ld Go'adag; naf-adag.
laba-qotinle  Qalab danab oo leh laba qotin, loona isticmaalo badanaaba qumiye danab.
laba-sakaraydh  (kiim.) Sonkor molikuyuuladeedu ka kooban yihiin laba xubnood oo hal sakaraydh ah. Sukrows iyo maaltows ayaa tusaale u ah. Kuwan waxa isku xiriiriya seeto -O- ah (seeto galaykoosydheed). eeg sonkor.
labaad  Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma labada; darajada ay hal darajo ka sarrayso.
labaale  Warqad turub oo dhexda laba dhibcaad ku leh.
labaan  eeg lab³. ld labaansho.
labaansho  ld labaan.
labaatamaad  ld labaatanaad².
labaatameeye  ld labaataneeye.
labaatameeyo  ld labaataneeye.
labaatan  Tiro ka kooban laba meelood oo min toban ah; laba tobnaad; “20”.
labaatanaad1  Sanadaha u dhexeeya labaatan ilaa soddon. labaatanaad2  Tirada jagaale, keeda labaatanka u dhigma. ld labaatamaad. labaataneeye  Tir qiyaas ahaan soddon u dhow. ld labaatameeye, labaatameeyo, labaataneeyo.
labaataneeyo  ld labaataneeye.
lababboglee  Labada dhinac hadba mid isu rogid ciil dartii (qof). ld lababoglee.
lababbogleyn  eeg lababboglee. ld lababogleyn, lababogleys.
lababogle  Hadba dhinac u gaddoonka qof sameeyo, jirro ama ciil dartii.
page : 945 of 1584
<< < 940 941 942 943 944 945 946 947 948 949 950 > >>

 

Exit mobile version