macatab (dii.) Shay qaab iskutallaab leh oo dadka kiristaanka ah astaan diineed u ah.
macawis Maro, inta badan midabbo leh, labada daraf iskaga tolon oo raggu qaarka hoose ka xirtaan.
macayn ld macaaneyn.
macays ld macaaneyn.
macaysad ld macaaneysasho.
macaysasho ld macaanaysasho.
macayshad Cuntada lagama maarmaanka ah ee lagu noolaan karo. ld maceeshad, maciishad.
macaysi ld macaanaysasho.
macayso ld macaaneyso.
macbiil ld macbil.
macbil 1. ld macbiil, macmiil. Cid si joogta ah meel wax uga gadata ama uga iibsata. 2. ld macaammilo.
macbilad ld macbilasho.
macbilasho eeg macbilo. ld macbilad.
macbilo Shay xumaaday si loo isticmaalo dib u hagaagaasho.
macbuud (dii.) Eebbe; Alle.
macdaar Dukaan yar oo cunto iwm oo tafaariiq ah lagu gado.
macdan1 (macaadin, m.dh) 1. Dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee laga helo dhulka hoostiisa. 2. Walax bir ama birwalb ah oo dhulka gudihiisa laga helo sida dahabka, maarta, batroolka. 3. Maaddada alumminyam. macdan2 (macaadin, m.dh) (kiim.) Walax dabiici ah, oo noole aan ahayn ama aan ka imaan, oo leh isku dhis kiimikaad, isla markaasna leh astaamo fisikeed iyo kiimikeed oo cad. Halkaa waxaa ah ilaa 2000 macdanood oo la maranayo, oo leh qaabab wiriqeed oo kala duwan, laakiin macaadinta bah wadaagta ah kala duwanaashahoodu waa yaryahay. macduun M. ah: wax helitaankiisu dhif iyo naadir ah.
macduur (dii.) M. ah: qof waajib uu gudan lahaa ka baaqdo cudurdaar awgii; marmarsiinyo haysto.
macduurnimo (dii.) Macduur ahaansho.
macee ld macaanee.
maceeshad ld macayshad.
machad Dugsi mihnadeed oo ka heer sarreeya dugsiga sare, kana heer hooseeya kulliyad jaamacadeed.
maci ld macaan².
maciin1 ld miciinid. maciin2 ld miciin². maciindarro ld miciinddarro.
maciinid ld miciinid.
maciinla'aan ld miciinla'aan.
page : 996 of 1584
<< < 991 992 993 994 995 996 997 998 999 1000 1001 > >>