madalbaajis ld madalbaajin.
madalhufi Qof marin habaabin.
madalhufin eeg madalhufi. ld madalhufis.
madalhufis ld madalhufin.
madalsad ld madalsasho.
madalsan Qof ballan cid la dhigtay ahaansho. ld madashan.
madalsanaan eeg madalsan. ld madalsanaansho (2), madashanaan, madashanaansho.
madalsanaansho eeg madalsanow. ld madalsanaan.
madalsanow Qof cid ballan la galay noqosho. ld madashanow.
madalsasho eeg madalso. ld madalsad, madashad, madalsi.
madalsi ld madalsasho.
madalso 1. Meel shir ah arrin ka soo jeedsasho. 2. Cid ballansasho. ld madasho.
madan 1. Wax dhagax lagu arjimay ahaansho. 2. Wax dhawaaqiisa la jiiday ahaansho (xaraf). ld medan.
madane ld maddane.
madar1 1. Tooxo yar oo buuro u dhexeysa. 2. Nooc bulukeetiga ka mid ah oo ka samaysan dhoobo iyo caws la isku qallajiyey. madar2 ld madal¹. madashad ld madalsasho.
madashan ld madalsan.
madashanaan ld madalsanaan.
madashanaansho ld madalsanaan.
madashanow ld madalsanow.
madasho ld madalso.
madax1 1. Oogada qaybta sare ee nafleyda. 2. Maskax, laab, caqli. 3. Baab. 4. Koox, qayb. 5. Dhool (roob); garab; saylaan. 6. Bayd faal, dhinaca qofka faalka dhigaya soo xiga ma ahee dhinaca kale. madax2 Qof meel ama dad u sarreeya; duq waayeel. madax-adag Qof aan wax laga dhaadhicin karin ahaansho.
madax-adayg1 Wax ka dhaadhicid la'aanta qof ku sugnaado, garmaqaatenimo. madax-adayg2 1. Ka m.: wax samayntooda diidid. 2. Ku m.: wax ku adkaysasho. madax-adaygid eeg madax-adayg².
madax-adhaxley (c.nafl.) Faylam hoosaad ka tirsan adhaxleyda oo xubnaha ka tirsan oo dhani ay yaryaryihiin, dirxiga ayey u egyihiin, waana xayawaan biyood ku nool ciidda. Astaamahooda waxa ka mid ah a) Maskax ma leh, b) qalfoof lafeed ma leh. Tusaale: amfiyooksas. ld madax-araxley.
madax-adkaan eeg madax-adag. ld madax-adkaansho.
page : 999 of 1584
<< < 994 995 996 997 998 999 1000 1001 1002 1003 1004 > >>