xaaji (diinta) Nin muslim ah oo waajibaadkii xajka gudanaya ama gutay.
xaajiyad (dii.) Haaweenay xajinayso ama xajisay.
xaajo Arrin; xaal; talo.
xaajoo La x.: cid arrin kala doodid.
xaajood eeg xaajoo.
xaajootamid eeg xaajootan².
xaajootan1 Arrin ka doodid. xaajootan2 La x.: cid arrin kala garramid. xaakin 1. (-nno/-immo, m.dh) Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.
xaako Dhacaan adag oo afka ka soo baxa oo ka yimaada oogaada xuubabkeeda jilicsan kolka ay bukoodaan.
xaakoo Xaako tufid.
xaakood eeg xaakoo.
xaal1 1. Hanti la siiyo qof sharaftiisa wax loo dhimay. 2. (axwaal, m.dh) Arrin; xaajo. 3. ld xaalad. Sida lagu suganyahay; sah. xaal2 La x.: cid arrin la dhammaysasho. xaalad ld xaal¹ (3).
xaalad-beeggaal (fiis.) Xaalad loo adeegsado qiimaha looga qiyaas qaato cabbirrada kul-daynaamikada.
xaaladduun Waa x.: adduunyadu waa sida!
xaalayn eeg xaalee.
xaalee Wax ama cid danayn.
xaalid eeg xaal².
xaalmari Cid sharafteeda wax loo dhimay wax siin ama raalligelin.
xaalmarin eeg xaalmari.
xaalo 1. Xubnaha ragga. 2. Uurkujir.
xaaluf1 Dhulka engegay ama nabaad-guuray oo daaqii ka dhammaaday. xaaluf2 Dhul daaq ka dhammaasho. xaalufi Dhul xaaluf ka dhigid.
xaalufid eeg xaaluf².
xaalufin eeg xaalufi.
xaaluq Orgi caato ah.
xaammil Qof dumar ah oo uur leh.
page : 2 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>