hadal1 Dhawaaq afka dadka ka soo baxa, ereyo ka kooban oo macno leh. hadal2 Ereyo macno leh sheegid. hadalbadi Dabeecad qof leeyahay oo ah in uu had iyo jeer sheego hadal tiro badan oo aan loo baahnayn. ld hadalbadni.
hadalbadni ld hadalbadi.
hadalcun Qof aan hadalku si bayaan ah uga soo bixin.
hadalhayn eeg hadalhee.
hadalhee 1. Wax muhimad gaar ah la siiyo wax ku saabsan sheeggiddiisa ku celcelin. 2. Qof maqan wax ku saabsan sheegid.
hadaljeeli Rabitaan qof rabo in uu ka hadlo mar kasta meel hadal lagu hayo.
hadalla'aan Aamusnaan.
hadalsii Ka h.: Qof in uu hadlo ku qasbid.
hadalsiin eeg hadalsii.
hadaltiro Hadal badan oo aan loo baahnayn.
hadalyaqaan H. ah: qof cod kar ah.
hadar 1. Qof jirran ama waalan hadal aan micno lahayn ku hadlid. 2. Wax runta ka fog ku faanid.
haddaayey Goor dhoweyd.
haddee Sidaas darteed; haddaba.
haddid1 ld haddidid. haddid2 Cid cabsi gelin. ld handad². haddidaad Hadal ama ficil cid lagu cabsi gelinayo. ld haddidid.
haddidid eeg haddid². ld haddid¹, haddidaad, handad¹, handadaad, handadid
haddii 1. Erey lagu xiriiriyo weer shardiley ama waqtiley ah. Tus. “Haddii aad dersiga akhrin lahayd, imtixaanka waad ku gudbi lahayd”, “Haddii Warsame yimaado, farriintayda gaarsii”. 2. H. kale: haddii sidaas aysan noqon.
hadee 1. Qof dhintay quraan u akhrin. 2. Digsi dabool saarid.
hadeec1 Socod luudid ah oo nafley aad u tamar yari socoto. ld hudeec¹. hadeec2 Nafley aad u tamar yar luudid. ld hudeec². hadeecid eeg hadeec². ld hudeecid.
hadeyn eeg hadee.
hadeysan1 Digsi wax la daboolay noqosho. hadeysan2 Wax la daboolay ahaansho. hadeysmid eeg hadeysan¹.
hadeysnaan eeg hadeysan². ld hadeysnaansho.
page : 11 of 93
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>