magguuraan 1. M. ah: astaan ama wax kale oo jiritaankooda aanu tirmin. 2. Hantida aan socon karin sida beeraha, guryaha iwm. ld magguure.
magguure Wax aan tirmin.
magguurto 1. Hanti m. ah: hanti aan guurguurin oo deynta lagu qaadan karo, sida beeraha guryaha iwm. 2. Dad si joogto ah meel u deggan oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira.
magid eeg mag².
magli Billaawe.
magmaag Dab si uusan u baqtin dambas ku duugid.
magmaagan Wax dambas lagu duugay ahaansho (dab).
magmaagasho eeg magmaago.
magmaagid eeg magmaag.
magmaagnaan eeg magmaagan. ld magmaagnaansho.
magmaagnaansho ld magmaagnaan.
magmaago Dhuxul nool dambas ku duugasho si aysan u demin.
magmag Ku m.: wax meel daloosha oo ciriiri ah ku riixid.
magmagid eeg magmaag.
magmakayn eeg magmakee.
magmakee Ku m.: wax meel daloosha oo ciriiri ah si xoog leh ugu riixid.
magniisiyam (kiim.) Summad Mg. Curiye fudud oo bir ah; curiyaha labaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha (biro dhul alkaliin). M. waa curiye muhim u ah warshadaha sababta oo ah waxay xubin weyn ka tahay birdhafyada fudud (marka lagu daro aluumiiniyam iyo sink).
mago Cid mag ka gudasho.
magoog1 1. Tacabka beeraha. 2. M. ah: geed har weyn leh geed-saar ka dulbaxay. 3. Qof aan waxtar lahayn. 4. ld magoogid. magoog2 Daash, geed iwm har u yeelid. magoogid eeg magoog². ld magoog¹ (4).
magool1 ld magoolayaal. magool2 Geedo caleen bixin xilli aan roob jirin; fufid. ld magooli. magoolayaal (bot.) Dhir gu'yaal jire ah oo daadiya caleenta xilli gaar ah, dabadeed muddo caleen la'aada, ka dibna magoola. Tus. “Galool”. ld magool¹.
magooli ld magool².
magoolid eeg magool². ld magoolin.
magoolin ld magoolid.
magubte Walax ka samysan maaddo aan dhaqso dabku u karin.
magudbe1 Qof imtixaan ku dhacay. magudbe2 (nax.) Fal aan lahayn layeele.
page : 1008 of 1584
<< < 1003 1004 1005 1006 1007 1008 1009 1010 1011 1012 1013 > >>