Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
magungi  Nooc mallaayga ka mid ah lahna qaab mas, oo aan la cunin.
maguug  1. Huummaag (qof meel fog jooga). 2. M. ah: xoolo xul ah.
maguuji  Wax tuuryo meel ku gaarsiin.
maguujin  eeg maguuji.
magwadaag1  ld magwadaagid. magwadaag2  Dad, xeer ahaan, diyada isla bixiya wada qaatana. magwadaagid  ld magwadaag¹.
mahabe1  1. Weel aan biyaha ka dusaynin. 2. Ciid aan si fudud biyaha u dhuuqayn. mahabe2  (jool.) Dhadhaabaha aan shirqadaha lahayn oo aan biyaha gudbin: tusaale ahaan dhadhaabahaasi biyaha roobka uma oggolaanayaan inay dhex galaan oo ay ka dusaan. mahad  Wanaag qof cid kale u hayo oo ka dhasha abaal loo galay.
mahadceli  U m.: cid abaal gashay u mahadnaqid.
mahadcelin  eeg mahadceli.
mahadho  1. Dhacdo saamays weyn leh oo aan la illaawi karin. 2. Sheeko.
mahadi  Cid abaal ay gashay u shugriyid.
mahadin  eeg mahadi. ld mahadis.
mahadis  ld mahadin.
mahadnaq1  1. Ereyo xushmad iyo qaddarin loo jeediyo cid samafashay. 2. ld mahadniqid. mahadnaq2  U/ku m.: cid samafashay ereyo xushmad iyo qaddarin leh u jeedin. mahadnaqid  ld mahadniqid.
mahadniqid  eeg mahadnaq². ld mahadnaq¹ (2), mahdnaqid.
mahadsan  Wax la mahadiyey ahaansho.
mahadsanaan  eeg mahadsan. ld mahadsanaansho.
mahadsanaansho  ld mahadsanaan.
mahadsanid  Erey qofkii wax wanaagsan sameeya lagu yiraahdo, isaguna uu kolkaas yiraahdo: “Adaa mudan!”.
mahar  ld meher.
mahari  ld meheri.
maharin  ld meherin.
maharsad  ld mehersasho.
maharsan  ld mehersan.
maharsanaan  ld mehersanaan.
page : 1009 of 1584
<< < 1004 1005 1006 1007 1008 1009 1010 1011 1012 1013 1014 > >>

 

Exit mobile version