malaf ld muluf.
malafsad ld malafsasho.
malafsasho eeg malafso. ld malabsad, malabsasho, malabsi, malafsad, malafsi.
malafsi ld malafsasho.
malafso 1. Carrabka bushimaha ku leefleefid. 2. Hamuungoror yeelasho. ld malabso.
malag1 1. Mid ka mid ah uunka, oo laga abuuray nuur iyo iftiin. 2. Malag loo soo diro nafleyda in uu nafta ka qaado. 3. Dhimasho; wed. ld meleg¹. malag2 1. Nafley, nafta ka qaadid. 2. Nafley dhimashadeeda sabab u noqosho. ld meleg². malaha Sida maluhu u badan yahay; mindhaa, armaa. Tus. “Malaha galabta roob baa di'i doonaa”. ld male (1).
malakamawd 1. (dii.) Malag Eebbe u soo diro nafleyda in uu nafta ka qaado; malag. 2. Wed; dhimasho.
malanda'1 Gaaridda uu gaaro awr baarqab ahi heerka ugu sarreeya qooqa. malanda'2 Awr baarqab ah heerka ugu sarreeya qooqa gaarid. malandi'id eeg malanda'².
malas Raashin yar oo neefka la maalayo loo dhigo si uu u godlado.
malasee Xoolo malas siin.
malaseyn eeg malasee.
malawad Qabsinka qaybta ugu dambeyso oo saxaradu ka baxdo. ld walammad.
malax (daaw.) Dhacaan midab cad ama cawl leh oo nabarrada hurguma ay yeeshaan.
malax-dareer (daaw.) Cudur ku dhaca soohyada haya ilkaha, sida: cirridka iyo lafta. Waxaa keena baktiiriyada huurada ilkaha; malax ayaa cirridka fariisata ilkuhuna salka ayay ka bololaan. Ereyga “Pyorrhoea” wuxu noqon karaa malax meel jirka ka mid ah ka dareerta markaas ereyga “Cirrid” ayaa laga reebaya waxay noqoneysaa malax-dareer af soomaaliga.
malaxaysad ld malaxaysasho.
malaxaysan Wax malax yeeshay ahaansho (nabar).
malaxaysasho eeg malaxayso. ld malaxaysad, malaxaysi.
malaxaysi ld malaxaysasho.
malaxaysnaan eeg malaxaysan. ld malaxaysnaansho.
malaxaysnaansho ld malaxaysnaan.
malaxayso (daaw.) Malax yeelasho (nabar). Majaajillo samayn.
malayn eeg malee.
malaysad ld malaysasho.
malaysasho eeg malayso. ld malaysad, malaysi.
malaysi ld malaysasho.
malayso Wax filasho.
page : 1017 of 1584
<< < 1012 1013 1014 1015 1016 1017 1018 1019 1020 1021 1022 > >>