Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
marakudheg  Nooc cawska ka mid ah oo mirihiisu dharka ku dhegaan.
maran  1. Weel wax aan wax ku jirin ahaansho, neef irmaan wax candhada laga maray ahaansho. 2. Qof wax maskaxda laga galay ahaansho.
maranti  Oori; afo.
maraq1  1. Meyrax la jilciyay oo geela naasaha looga maro si aan loo nuujin. 2. Fuud. maraq2  Hal irmaan afarteeda naas oo dhan ama qaar ka mid ah marid, si aan loo nuugin, ama loo lisin. maraqoobid  eeg maraqow.
maraqow  Hilib karis ka batay awgiis maraq noqosho.
maraqsaar  Miskaha geela korkooda.
maraqsad  ld marqasho.
maraqsan  ld marqan.
maraqsanaan  ld marqanaan.
maraqsanaansho  ld marqanaan.
maraqsasho  ld marqasho.
maraqso  ld marqo.
mararroobid  eeg mararrow². ld mararrow¹.
mararrow1  1. Wax waqtilumis ah. 2. ld mararroobid. mararrow2  Waqti lumin. marashee  ld marashiyee.
marasheyn  ld marashiyayn.
marasheysan  ld marashiyeysan.
marasheysnaan  ld marashiyeysnaan.
marasheysnaansho  ld marashiyeysanaan.
marashi  1. ld marasho 1. Dharka ninku siiyo naagta uu qabo. 2. (-iyo, m.dh/-iyaal, m.l./dh) Harqoodka qaybtiisa birta ah ee dhulka gasha.
marashiyayn  eeg marashiyee. ld marashayn.
marashiyee  Haween la qabo marashi siin. ld marashee.
marashiyeysan  Qof haween ah wax arratiran ahaansho. ld marashaysan.
marashiyeysnaan  eeg marashiyeysan. ld marasheysnaan, marasheysnaansho, marashiyeysnaansh.
marashiyeysnaansho  ld marashiyeysnaan.
marasho1  Dhar ninku siiyo naagta uu qabo. ld marashi (1). marasho2  eeg maro. ld marad.
page : 1030 of 1584
<< < 1025 1026 1027 1028 1029 1030 1031 1032 1033 1034 1035 > >>

 

Exit mobile version