maran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)1. Weel wax aan wax ku jirin ahaansho, neef irmaan wax candhada laga maray ahaansho. 2. Qof wax maskaxda laga galay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maran ↴
raabac [m.l]
Qof buuxiya kaalin cayaar turub
oo maran.
raabac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Kaalin ciyaar turub oo maran buuxin.
saabbir [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Saabbir ah: cayr fara maran.
ibamaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la ibamaray ahaansho (hal irmaan). ld ibamaryeysan. ibamaryeysan
naag [m.dh] (-go, m.l)
1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.
raan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbi-reed ama cutubcutub miro ahi ka laal-laadaan.
uurmaran [m.dh]
Naasley aan uurkeeda ilmo ku jirin.
afarrey [m.l] (-yo, m.l)
1. Tix maanso ah oo dhowr beyd ka kooban. 2. Afar hog oo labada iska soo horjeedda ay yaallaan dhagxaan isku nooc ah, hog shanaad oo maran ama saalo taalna u dhexeeya (shax).
boog-xiidmeed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Boog ku taal qayb ka mid ah xiidmaha (duodenum) waxaana keena asidhka caloosha. Waxaana u badan dadka noocooda dhiigga uu yahay kooxda “O”. Astaamaha: xanuun uurkujirtada marka calooshu marantahay; matagna waa jiri karaa.
boqorad [m.dh] (-do, m.l)
Haweeney madax u ah tol ama qaran xukunkeedu dhaxaltooyo yahay; marantida boqorka.