mardaddabaan ld mardabo.
mardaddabaanley Naag mardadabo taqaan.
mardaddabaanlow Nin mardaddabo yaqaan.
mardaddabo ld mardabo.
mardar Waran weyn.
mardee Wax mardo u yeelid.
mardeyn eeg mardee.
mardhac Wax mid keliya ee noociisa jirin; ka duwan wax kale. Magac: Qof ama Shay gaar ah. Tusaale: "Cali qosolkiisa waa mardhac" English: Unique
mardhoof Qof hal mar dhoofay oo faan iyo been badan.
mardimee Wax mardimo u yeelid.
mardimeyn eeg mardimee.
mardin 1. Daliig; liid. 2. Naqshado diillimo ah oo caw, ama caws ah oo ka dhex muuqda derin ama raar samaysan midkood.
mardo Xirmo dhis ah oo carshaanta, muddullada iwm lagu wareejiyo iyaga oo isku xiraya dhista gurigu ka sameysanyahay.
marduuf 1. Maro cad, culus oo loo isticmaalo shiraaca doonayaha. 2. Xirmo qaad ah oo ka kooban toban majood. 3. Xarig labaraab ah.
mareeg 1. Qoolasha maqasha qoorta loo geliyo. 2. Summad geela qoorta looga dhigo, oo ah goobaabin qoorta ku wareegsan.
mareeg-daabacan (fiis.) Mareeg elektarooniko oo ka samaysan gudbiye, kuna daaban oogada xaashi-sallax ma gudbiye ah. Mareegaha noocani waxa beryahan aad loogu isticmaalaa qalabka elektaroonikada.
mareegadheer 1. Xiddig kuwa dayaxa ugu dhow ka mid ah oo soo baxa xilliga dayrta. 2. Qof haween ah oo dhalatay 14-naadka dayaxeed oo dadku aaminsanyihiin inay ayaandhalad tahay.
mareer 1. Geed qodax lahayn, miro cas oo macaan, oo la cuno caleemo yaryar iyo ulo toosan leh oo geelu aad u jecelyahay. 2. Miraha geedka mareerka.
margaag1 ld cargaag¹. margaag2 ld cargaag². margaagid ld cargaagid.
margan Wax margaday ahaansho (nafley). ld mergan.
marganaan eeg margan. ld marganaansho, merganaan, merganaansho.
marganaansho ld marganaan.
margasho eeg margo². ld mergasho.
margaysan Wax margaday ahaansho (nafley). ld mergaysan.
margaysnaan eeg margaysan. ld margaysnaansho, mergaysnaan, mergaysnaan.
margaysnaansho ld margaysnaan.
margeelee Xilligii uu dhalay xilligiisa kale rimid (sac).
margeeleyn eeg margeelee. ld margeeleys.
page : 1032 of 1584
<< < 1027 1028 1029 1030 1031 1032 1033 1034 1035 1036 1037 > >>