Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
masayrtir2  Haweenay masayrsan hanti siin si loo raalliggeliyo. masayrtirid  eeg masayrtir².
mascaanood  (c.nafl.) Mas dheer oo midabkiisu casaan xigeenyahay oo aan dadka qaniinin.
mascadde  (c.nafl) Nooc masaska ka mid ah oo midab cad leh.
masciideed  (c.nafl) Nooc masaska halista ah ka mid ah oo leh midab dhiin ah oo badanaa jooga dhulka cadduunka ah.
masdar  (nax.) Magac-faleedka falka, yacni waa qaab faleed aan ku dhicin isrogrog la xariira tirada, caynta iyo amminkaba; badanaa waxaa la raaciyaa fal ka kaaliya xagga nadooca. Tus. “Axmed wuu akhrin karaa”, “Wiilasha way akhrin karaan”. ld mesder.
masdarad  Qori xalleefsan oo qaybo isle'eg qaybsan, oo wax lagu cabbiro, ama xarriiqaha lagu sadriyo. ld masdaro, mastarad, mastaro.
masdaro  ld masdarad.
mase1  1. ld mise 1. Laba wax ama ka badan oo isku mid ah ama isu dhigma. 2. Sinnaan. mase2  (nax.) Eray lagu xiriiriyo labada dhinac ee weyddiinta. Tus. “Ma midigta mase waa bidixda?”, “Cali mase Faarax?”. ld mise². masee  ld misee.
maseyn  ld miseyn.
masgeesaale  Gungume.
mashaa'ikh  eeg shiikh.
mashaakil  eeg mushkilad.
mashaariic  eeg mashruuc.
mashaqayn  eeg mashaqee.
mashaqaysan  Wax mashaqo hayso ahaansho.
mashaqaysnaan  eeg mashaqaysan. ld mashaqaysnaansho.
mashaqaysnaansho  ld mashaqaysnaan.
mashaqayste  Qof shaqa la'aanta jecel oo cajislow ah.
mashaqee  Wax mashaqo ku abuurid.
mashaqo1  Dhibaato; shiddo; mixno; mushkulad. mashaqo2  (fiis.) Cabbirka xaddiga walaxi qaab doorsoontay, marka la saaro xoog qaab-dooriye ah. Qaab doorintu marka ay tahay dherer, mashaqadu waxa ay le'egtahay saamiga isbeddel dhererka iyo dhererka salka ah. mashaqoobid  eeg mashaqow.
mashaqow  Mashaqo haleelid.
masharaaf  Tuubbo dheer oo macdan ama balaastig ah, guryaha dushooda ka soo dejisa biyaha roobka oo keenta dhulka si aan biyuhu guriga wax u yeelin; maracaad; manjarrar. ld masharafad.
masharafad  ld masharaaf.
mashashuur1  ld mashashuurid. mashashuur2  Is m.: xishood badan oo ismacnayni ku jirto yeelasho. ld mansahshuur².
page : 1044 of 1584
<< < 1039 1040 1041 1042 1043 1044 1045 1046 1047 1048 1049 > >>

 

Exit mobile version