Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
masrax  1. Gole lagu bandhigo riwaayadaha, filimmada iwm. 2. (riw.) M. geeraar: m. jilayaashiisu ay u hadlayaan qaab maanso.
masrixiyad  (riw.) Sheeko murti iyo maaweelo leh oo lagu bandhigo masrax; riwaayad, maadeys.
masruuf1  Lacag, cunto iwm oo si joogto ah loo siiyo qoys, qof iwm. ld masaariif. masruuf2  Lacag, cunto iwm si joogto ah qoys qof, iwm u siin. masruufasho  eeg masruufo.
masruufid  eeg masruuf².
masruufo  Lacag, cunto iwm si joogto ah u cunid.
mastarad  ld masdarad.
mastaro  ld masdarad.
mastuurasho  eeg mastuuro.
mastuuro  Si xishood iyo edeb leh u dhaqmid.
masuubo  ld musiibo.
masuug1  1. Bakhaylidda wax lagu bakhaylo. 2. M. ah: qof bakhayl ah. masuug2  Wax ku bakhaylid. masuugad  Haweeney bakhaylad ah.
masuugid  eeg masuug².
masuugnimo  Bakhaylnimo.
masuugsan  1. Wax, wax saluugsan ahaansho. 2. Wax, wax dhaliishan ahaansho.
masuugsanaan  eeg masuugsan. ld masuugsanaansho.
masuugsanaansho  ld masuugsanaan.
masuul  ld mas'uul.
masuuliyad  ld mas'uuliyad.
masuuliyo  ld mas'uuliyad.
mataal  ld misaal.
mataan1  1. Labo ilmood oo hooyo isla mar dhashay midkooda labka ah. 2. Labo waxyaalood oo laysugu magac daro. mataan2  1. Labo ilmo oo hooyo isla mar dhashay midkooda dheddigga. 2. Laba waxyaalood oo laysugu magacdaro ama la israaciyo. 3. Ceel af dhuuban, biyo badan oo ceelal kale ku dhow. mataanayn  eeg mataanee.
mataanee  1. Mataano dhalid (nafley). 2. Labo walxood hal magac ka dhexaysiin.
mataansan  1. Ku m. wax, wax kale mataan la ah ahaansho. 2. Wax, wax kale lagu biiriyey ahaansho.
mataansanaan  eeg mataansan. ld mataansanaansho.
page : 1048 of 1584
<< < 1043 1044 1045 1046 1047 1048 1049 1050 1051 1052 1053 > >>

 

Exit mobile version