miiqan1 1. Wax miiqmay noqosho. 2. Qof caatoobid. miiqan2 1. Dun dhuuban ahaansho. 2. Qof caatoobay ahaansho. miiqasho eeg miiqo.
miiqid eeg miiq². ld miiq¹ (2).
miiqmid eeg miiqan¹.
miiqnaan eeg miiqan². ld miiqnaansho.
miiqnaansho ld miiqnaan.
miiqo Wax miiq ka dhigasho.
miir1 1. Wax la miiray. 2. ld miyir. 3. ld miirid¹. miir2 1. ld miid. 2. Meel yar oo biyo qabatin leh. miir3 Hoore gufur ka saarid. miira Bisha labaad oo sanad dayaxeedka; safar.
miiraale Roob xoog leh oo habeenkii da'a oo xilliga dayrta yimaada. ld miiroole.
miiran1 1. Hoore saafi noqosho. 2. Nafley isku dhex jirtay intii islehba wax gooni isugu soocmay noqosho. miiran2 1. Hoore saafi ahaansho. 2. Wax aan larnayn ahaansho. 3. Wax badan ahaansho. Tus. “Xoolo caano miiran ah.” miire Qalab hooraha lagu kala sifeeyo.
miiri ld miyiri.
miirid1 eeg miir³. ld miir¹ (3), miiris. miirid2 (kiim.) Dariiqada saxarrada adkaha ah lagaga soocaayo hoorka iyadoo la adeegsanaayo walax daloolo leh. Shaybaarka waxaa badanaaba lagu isticmaalaa warqadda miirtada. miirin ld miyirin.
miiris ld miirid¹.
miirmid eeg miiran¹.
miirnaan eeg miiran². ld miirnaansho.
miirnaansho ld miirnaan.
miiroole ld miiraale.
miirow 1. Nooc ka mid ah qaadka ka baxa dalka Kenya. 2. Nooc tubaakada ka mid ah.
miirran 1. Qof deggan oo dabeecad fiican leh ahaansho. 2. Qof xanuun ka soo roonaaday ahaansho.
miirranaan eeg miirran. ld miirranaansho.
miirranaansho eeg miirranow. ld miirranaan.
miirranow Qof miiyirkiisu dhanyahay noqosho.
page : 1070 of 1584
<< < 1065 1066 1067 1068 1069 1070 1071 1072 1073 1074 1075 > >>