min1 1. Guri, aqal. 2. Ilmaggaleen, ilmasideen. 3. Kolay weyn oo timir ah. ld minan. min2 Midkiiba. Tus. “Nimankan min kun shilin sii”. minaaq Laba qori oo yaryar oo darafyadooda sare harqoodka galaan, darafyada hoosana indhali isu hayso, oo dibiga qoortiisu ku dhex jirto.
minaarad ld munnaarad.
minaawar 1. Markab weyn oo dagaal. 2. ld mimbar.
minan ld min¹.
minbeer Kolay yar oo xarig ama caw ka samaysan oo kuul lagu sharxay oo haweenku ku ritaan waxyaabaha ay isku carfiyaan.
mindhaa Waxaa laga yaabaa; malaha. Tus. “Mindhaa wuu imaanayaa”.
mindheelli Ilmagaleenka dhedigoodka oo qalloocda.
mindhicir1 Xuub uurkujirta qaarkeed haya, siiba xiidanka yaryar, sida uu u badanyahay. mindhicir2 (c.nafl.) Qayb ka mid ah dheefmareenka oo ka hoosaysa caloosha. Shaqooyinkeeda ugu waaweynina waxa weeye dhammaystirka dheefshiidka cuntada caloosha ka timaada, nuugista milannada cuntada, nuugista biyaha iyo soo saaridda. mindhicirisdab Jirro geela ku dhacda oo xiidmaha kala xirta.
mindhismo 1. U hawlgalka guur cusub samayntiis. 2. Muddada arooska lagu jiro. 3. Nin la deggan reerka uu wax ka qabo. 4. Qalabka ama hantida lagu taakuleeyo laba qof oo aroos gelaya.
mindi Shay bir ah oo ka mid ah qalabka guriga looga adeegto, oo leh af wax lagu gooyo iyo daab la qabsado. ld middi.
mindiil ld mandiil.
mindirraaci 1. Arrin aan weli bislaan ama aan dhab looga baaraandegin, si deddejis ah ku dhammayn. 2. Neef aan la baxnaanin oo aan loo warhayn inuu dhiman lahaa iyo in kale, mindi ku gowricid.
mindirraacin eeg mindiraaci. ld mindirraacis.
mindirraacis ld mindirraacin.
mindumis 1. Xaal laga qaado nin lagu soo eedeeyay in uu fara xumeeyay naag la qabo. 2. Ka furashada naag ninkeda laga furto iyadoo xoolo iyo maal lagu beer dulucsado.
minfiiq ld mafiiq.
minfilaad 1. Tuhun yar oo cid loo qaado. 2. ld minfilaadid.
minfilaad2 Ka m.: tuhun yar cid u hayn. minfilaadid eeg minfilaad². ld minfilaad¹ (2).
mingeliyo ld mingelyo.
mingelyo 1. Quraan la akhristo oo xirsi xir ah. 2. Labada cirguduudood. 3. Hantida ugu horreysa ee la siiyo gabar guur laga doonaayo aabeheed. ld mingeliyo.
mingis 1. (dii.) Rooxaan ama jin la rumaysanyahay in uu dadka cudur geliyo. 2. Cudur dadka ku dhaca oo la aamminsanyahay inuu ka yimaado rooxaanta (mingiska). 3. Cayaar jiib, jaan iyo durbaan leh oo loo tumo qofka jirrada mingiska qaba.
minguuri Ka m.: wax meel ku qoran, meel kale ku qorid.
minguurin eeg minguuri. ld minguuris.
minguuris ld minguurin.
minii Haddii.
page : 1077 of 1584
<< < 1072 1073 1074 1075 1076 1077 1078 1079 1080 1081 1082 > >>