Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
muransan  Laba qof ama ka badan wax murmay ahaansho.
muransanaan  eeg muransan. ld muransanaansho.
muransanaansho  ld muransanaan.
murbax1  ld mudbax¹; mudbixid. murbax2  ld mudbax². murbaxsan  ld mudbaxsan.
murbaxsanaan  ld mudbaxsanaan.
murbaxsanaansho  ld mudbaxsanaan.
murbay  Koob aad u yar oo ka samaysan dhoob, dheg la qabsadana aan lahayn oo qaxwada lagu cabbo.
murbixi  ld mudbixi.
murbixid  ld midbixid.
murbixin  ld mudbixin.
murbooc  ld marbooc.
murcanyo  1. (bot.) Geed-nagaar caleemo yaryar oo cagaaran, leh miro gadguduudan oo afar-afar isugu dheggan lana cuno; miracas. 2. Miraha geedka murcanyada. ld mircanyo.
murcood  ld murcud.
murcud  (murcud, m.dh) 1. (bot.) Geed weyn oo qodax gaagaaban iyo caleemo yar-yar oo cagaaran leh, oo dhala miro kulkulucsan oo dhexda laf weyni uga jirto, dhadhan dhanaan ahna leh oo la cuno. 2. Miraha geedka murcudka. ld murcood.
murdad  Dhacaan (geed) aad u kulul oo layskuna daaweeyo. ld murdud.
murdi  1. Badar bisil, subag, caano, malab iwm oo weel ku haray far ku tirid. 2. Cunto weel ka wada dhammayn. ld mudri.
murdin  eeg murdi. ld mudrin, mudris, murdis.
murdis  ld murdin.
murdiso  Farta gacanta oo suulka iyo fardhexaadda u dhexeysa, murugsato.
murdud  ld murdad.
murdux  1. M. ah: qof aan dhar xirnayn. 2. M. ah: nafley dhogor ama baalal aan lahayn.
murduxan  Nefley wax murdux ah ahaansho.
murduxnaan  eeg murduxan. ld murduxnaansho.
murduxnaansho  ld murduxnaan.
murgacad  ld murgucasho.
murgacasho  ld murgucasho.
murgaco  ld murguco².
murgacsan  ld murgucsan.
page : 1101 of 1584
<< < 1096 1097 1098 1099 1100 1101 1102 1103 1104 1105 1106 > >>

 

Exit mobile version