nadiif 1. N. ah: wax aan uskag iyo wasakh lahayn. 2. N. ah: qof aan khayaamo, xaasidnimo iwm lahayn.
nadiifi Wax uskagga iyo wasakhda ka bi'in.
nadiifin eeg nadiifi.
nadiifnimo Nadiif ahaansho.
nadiifoobid eeg nadiifow.
nadiifow Qof nadiif noqosho.
nadiifsad ld nadiifsasho.
nadiifsan Wax la nadiifiyay ahaansho.
nadiifsanaan eeg nadiifsan. ld nadiifsanaansho.
nadiifsanaansho 1. eeg nadiifsanow. 2. ld nadiifsanaan.
nadiifsanow Wax nadiifsan noqosho.
nadiifsasho eeg nadiifso. ld nadiifsad, nadiifsi.
nadiifsi ld nadiifsasho.
nadiifso Wax nadiif ka dhigasho.
nadiyayn eeg nadiyee.
nadiyee Wax nadi ama karbaash la dhicid.
nadooc1 Loodsanka ku dhaca ul, rabar iwm. nadooc2 (nax.) Habdhac sarfeed oo hawshiisu tahay in salka (falka ama magaca iwm) la raaciyo kabayaal ama dhammaadyo muujinaya tirada, caynta iyo qofka. nadooc3 Ul, rabar iwm loodsan ku dhicid. nadooci Wax sida laan qoyan, ul, rabadh iwm loodin.
nadoocin eeg nadooci.
nadoocsan Wax la nadoociyay ahaansho.
nadoocsanaan eeg nadocsan. ld nadoocsanaansho.
nadoocsanaansho eeg nadoocsanow. ld nadoocsanaan.
nadoocsanow Wax la loodiyay noqosho. ld nadoocsanaan.
naduur Waabka birtumuhu fariisto oo birta ku farsameeyo.
nadwad 1. Uumi-biyood. 2. Qabow qoyaan leh oo habeenkii soo dhaco; dhado.
naf 1. ld ruux. Waxa nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. N. ah: wax dhimasho u dhow. 3. N. ma leh: qiimo ama waxtar yari.
nafac ld nacfi.
nafaqadarro1 Nafaqaxumo.
page : 1124 of 1584
<< < 1119 1120 1121 1122 1123 1124 1125 1126 1127 1128 1129 > >>