nadi
(m.l) (-iyo/nadi, m.dh)Jeedal yar oo faraska lagu dhufto si uu u dheereeyo; karbaash.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nadi ↴
daacuun
[m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
saafi
[m.l]
1. S. ah: wax nadiif ah oo aan wasaqi ku jirin. Tus. “ Cali wuxuu keenay malab saafi ah”. 2. Saafinnimo. 3. Nooc kalluunka ka mid ah.
xaaq
[Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in.
xaaro
[Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Meel qashin ka nadiifsasho. 2. Wax meel yaal wada qaada-sho.
xalliiban
[Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Caano ama wax la mid ah oo miir ah, aan wax kale dheehin ama tar-raxin, nadiifnimadii ka badatay. 2. Wax sida dhalada qaarkeed, araggu gudbo ama iftiinku soo dhaafo.
areebo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-ooyin, m.l)
Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm; basari; baali; arraajo.
baaro
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]
Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.
banaanadi
[Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1.(f.g) Qof nafley kale legdid. Tus. “Cali baa Xasan dibir ku banaanadiyey”. 2. (f.mg) Leegleegsasho.
banaanadin
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg banaanadi. ld banaanadis.
banaanadis
[m.l]
ld banaanadin..