nadiif
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

1. N. ah: wax aan uskag iyo wasakh lahayn. 2. N. ah: qof aan khayaamo, xaasidnimo iwm lahayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nadiif

daacuun
[m.l] (daaw.)

Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.

saafi
[m.l]

1. S. ah: wax nadiif ah oo aan wasaqi ku jirin. Tus. “ Cali wuxuu keenay malab saafi ah”. 2. Saafinnimo. 3. Nooc kalluunka ka mid ah.

xaaq
[Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)

1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in.

xaaro
[Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)

1. Meel qashin ka nadiifsasho. 2. Wax meel yaal wada qaada-sho.

xalliiban
[Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]

1. Caano ama wax la mid ah oo miir ah, aan wax kale dheehin ama tar-raxin, nadiifnimadii ka badatay. 2. Wax sida dhalada qaarkeed, araggu gudbo ama iftiinku soo dhaafo.

areebo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-ooyin, m.l)

Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm; basari; baali; arraajo.

baaro
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.

baqbaq
[m.l]

1. Xabag aan saafi ahayn oo jilif, duux iwm ku dhafanyihiin. 2. Dhegdhegga indhaha buka ama aan nadiifka ahayn yeeshaan; fiish, dhalxan. 3. Dalool yar oo ku yaal albaab, dariishad iwm.

boorayso
[Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)

(dii.) Biyo la'aan awgeed xubnaha laga weyso qaato qaar ka mid ah (wejiga iyo gacmaha) ciid nadiif ah marin si cibaado loo guto; tayamum.

buraash
[m.l]

1. (-shiyo, m.dh) ld burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iwm dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. ld buraashid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg