Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: raadgan
naqtiin (2) Qur'aan la dhammeeyay mar labaad ku noqosho.
naqtiinsad ld naqtiinsasho.
naqtiinsasho eeg naqtiinso. ld naqtiinsad.
naqtiinso Quraan la dhammeeyay mar labaad ku noqosho.
narsi ld nasri.
narso ld nasar.
naruuro 1. Waxtar ama faa'iido. 2. In yar oo wax la'aanta dhaanta.
nas 1. Meesha ugu dhow wax laga nishaabi karo. 2. (dii.) Kitaab, qaanuun iwm oo la qoray hadalkiisa hore oo asalka ah oo ka duwan sharaxa ama waxyaale kale oo gadaal cid kale kaga darto.
nasaari ld nasaaro.
nasaaro (dii.) Dadka sheegta inay haystaan diinta Nebi Ciise; Kiristaan; Masiixi. ld nasaari.
nasaaroobid eeg nasaarow.
nasaarow Nasaaro noqosho.
nasab 1. Tafiir iyo farac laga soo jeedo. 2. N. ah: qof wanaagsan.
nasabnimo Nasab ahaansho.
nasad ld nasasho.
nasahan Ka n.: wax aan xumaan lahayn ahaansho.
nasahnaan eeg nasahan. ld nasahnaansho.
nasahnaansho ld nasahnaan.
nasakh (1) 1. N. ah: qof doqon ah, nacas ah. 2. N. ah: wax la buriyay (ayaad, diin). 3. ld nasakhid.
nasakh (2) 1. Qof fikraddiisa wanaagsan mid xun ugu beddelid. 2. Burin beddelid (aayad, diin).
nasakhaad Doqonnimada cid la kulanta.
nasakhan 1. Doqon ahaansho. 2. Diin ama aayad la beddelay ahaansho.
nasakhid eeg nasakh². ld nasakh¹ (3).
nasakhnaan eeg nasakhan. ld nasakhnaansho.
nasakhnaansho eeg nasakhnow. ld nasakhnaan.
nasan Wax nastay ahaansho.
nasar (muus.) Durbaan dhuuban oo salka luga ka leh, waxaana laga yaqaan degaanka webiyada. ld narso.
nasasho eeg naso. ld nasad.
naseex 1. Qof talo daacad ah bixiya. 2. Wax qof dan u ah. ld nasteex.
naseexayn eeg naseexee. ld nasteexayn.
<< < 1124 1125 1126 1127 1128 1129 1130 1131 1132 1133 1134 > >>

 

Exit mobile version