Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xarmasho
ninnimo  Nin ahaansho.
nintooxsad  ld nintooxsasho.
nintooxsasho  eeg nintooxso. ld nintooxsad, nintooxsi.
nintooxsi  ld nintooxsasho.
nintooxso  1. Ceel keli shubasho. 2. Hawl keli ku qabasho.
niqid  ld naqid.
nirgadhoob  (c.nafl.) Cayayaan duula oo hinjibisada u eg oo derbiyada, laamaha geedaha iwm ku dhista buulal dhoobo ah. ld nirgasamays.
nirgasamays  ld nirgadhoob.
nirig1  Ubadka geela midka lab; qurbac. nirig2  Ubadka geela midka dheddig. nis  Weel yar oo qori ka samaysan, gacan leh oo biyaha la darsado; kalax.
nisbee  U n.: wax inuu wax kale ka soo jeedo u aqoonsasho. Tus. “Deeqsinimada Cali waxaa loo nisbeeyaa aabbihiis”.
nisbeyn  eeg nisbee.
nishaab1  1. Aqoonta toogashada yoolka. 2. Daldaloollada loo yeelo dhufaysyada si cadowga looga ilaaliyo. ld niishaab¹. nishaab2  Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid. ld niishaab². nishaaban1  Ku n.: qori, fallaar iwm oo wax lagu shiishay noqosho. ld niishaaban¹. nishaaban2  Ku n.: qori, fallaar iwm oo wax lagu shiishay ahaansho. ld niishaaban². nishaabid  eeg nishaab². ld niishaabid.
nishaabmid  eeg nishaaban¹. ld niishaabmid.
nishaabnaan  eeg nishaaban². ld niishaabnaan, niishaabnaansho, nishaabnaansho.
nishaabnaansho  ld nishaabnaan.
nishaabtamid  eeg nishaabtan². ld niishaabtamid, niishaabtan¹, nishaabtan¹ (2).
nishaabtan1  1. ld niishaabtan 1. Tartan dadku ku tartamaan shiishka. 2. ld nishaabtamid. nishaabtan2  1. Shiish ku tartamid. 2. Shiish u tababarasho. ld niishaabtan². nishaad  ld nashaad.
nishaaddaysan  ld nashaaddaysan.
nishaaddaysnaan  ld nashaaddaysnaan.
nishaaddaysnaansho  ld nashaaddaysnaan.
nisyar  Wax baaxaddiisa, laxaadkiisa iyo jimirkiisu yaryahay ahaansho (qof).
nisyaraan  eeg nisyar. ld nisyaraansho.
page : 1140 of 1584
<< < 1135 1136 1137 1138 1139 1140 1141 1142 1143 1144 1145 > >>

 

Exit mobile version