barkadhicid eeg barkadhac². ld barkindhicid.
barkadid ld bardadid.
barkadley ld kabarray.
barkadsan ld bardadsan.
barkadsanaan ld bardadsanaan.
barkadsanaansho ld bardadsanaan.
barkag (1) ld bardad¹.
barkag (2) ld bardad².
barkagid ld bardadid.
barkagsan ld bardadsan.
barkagsanaan ld bardadsanaan.
barkagsanaansho ld bardadsanaan.
barkarkareed (fiis.) Heerkulka uu cadaadiska uumiga hoorku le'egyahay cadaadiska atmoosfeerka, taas oo uumibaxu ka muuqdo hoorka dhammaantiis.
barkasho eeg barko. ld barkad¹.
barkhad Kheyr badan oo Eebbe laga helo.
barkhadayn eeg barkhadee.
barkhadee Cid barkhad siin (Eebbe).
barkhadle Qasiido haweenka u gaar ah oo la tiriyo munaasabadaha aroosyada.
barki U b.: cid barkin dhabanka u dhigid.
barkimo ld barkin².
barkin (1) Qori si wanaagsan loo qorey, leh madax qaab bileed ah oo la barkado,lug, gacan gelis ama gacan qabsi ah iyo sal wareegsan, ballaaran oo uu ku fariisto. ld barshin.
barkin (2) Kiish maro ah oo cudbi, isbuunyo iwm laga buuxiyo oo la barkado. ld barkimo.
barkin (3) eeg barki.
barkindhac (1) ld barkadhac¹.
barkindhac (2) ld barkadhac².
barkindhicid ld barkadhicid.
barkinwaraabe Nooc jaadadka likaha ka mid ah oo la cuno. ld barshinwaraabe.
barko Wax barkin ka dhigasho.
barlamaan ld barlammaan.
barlammaan 1. Urur dawladaha dimoqraadiga ahi leeyihiin xubnahiisana dadka ay soo doortaan, oo goo'aannada iyo sharciyada ansixiya. 2. Xarunta ay xubanaha baarlammaanka ku kulmaan. ld baarlamaan, baarlammaan, barlamaan.
<< < 111 112 113 114 115 116 117 118 119 120 121 > >>