baroorsiin ld baroorin.
baroorso Meseggo aan bislaan gurasho.
barqaceli Waqti barqo ah xoolo si loo maalo guriga dib u keenid.
barqacelin eeg barqaceli. ld barqacelis.
barqacelis ld barqacelin.
barqagibin Saacadaha ugu horreeya barqada.
barqalibaaxi Goor barqo ah seexasho (nafley).
barqalibaaxin eeg barqalibaaxi.
barqammaal (1) 1. ld barqammaalid. Maalidda xoolaha baraqdii la maalo. 2. Waqti barqo ah oo xoolaha la maalo. 3. B. ah: caano waqtigaa barqada ah la lisay.
barqammaal (2) Waqti barqo ah, xoolo lisid.
barqammaalid eeg barqammaal². ld barqammaal¹ (1).
barqanoqo Nafley fooftay, goor barqo ah, hoygeeda dib u tegid.
barqanoqod ld barqanoqosho.
barqanoqosho eeg barqanoqo. ld barqanoqod.
barqaqabow Toddobada subaxnimo ilaa sagaalka ama subaxnimada inta qorraxdu ayan kululaan.
barqi Xoolo inta aan la maalin subaxii daajin.
barqiirqiir (fiis.) Xaaladda dareeraha ee wejiyada hoorka iyo neeftu ay isku cufnaanyihiin. Markaa, dareeraha heerkulkiisa, cadaadiskiisa iyo muggiisuba waxa ay taaganyihiin xaalad qiirqiir.
barqimo ld barqo.
barqin (1) ld barqo.
barqin (2) eeg barqi.
barqo Waqtiga u dhaxeeya subaxda iyo harka. ld barqimo, barqin¹.
barqo-kulul Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
barqorraxeed (c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.
barraah (1) Caws dhuudhuuban ee uu soo saaro roobka ugu horreeya ee da'a.
barraah (2) Dhul roobkii ugu horreeyey ku da'ay caws dhuudhuuban ka soo bixid.
barraahid eeg barraah².
barraahsad ld barraahsasho.
barraahsasho eeg barraahso. ld barraahsad, barraahsi, barraaqsad, barraaqsasho.
barraahsi ld barraahsasho..
barraahso In muddo ah si caajisnimo ku jirto oo macno la'aan ah meel u fadhiisasho. ld barraaqso.
<< < 113 114 115 116 117 118 119 120 121 122 123 > >>