Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tefiir
qallacan Qof oo geel qallacay si kadis ah ahaansho.
qallacid eeg qallac².
qallacnaan eeg qallacan. ld qallacnaansho.
qallacnaansho ld qallacnaan.
qallaco ld qallac¹ (1).
qallad (1) Raacidda la raaco madhab in muddo ah.
qallad (2) Masiibo; belo.
qalladasho eeg qallado.
qallado Madhab raacid in muddo ah.
qallaf (1) Q. ah: wax adag oo aan jilicsaneyn.
qallaf (2) Wax adag oo aan jilicsaneyn noqosho.
qallafi Wax, wax adag oo aan jilicsaneyn ka dhigid.
qallafid eeg qallaf².
qallafin eeg qallafi.
qallafsan 1. Wax aan jilicsaneyn ahaansho. 2. Wax aan sulub ahayn ahaansho. 3. Wax aan sahlanayn ahaansho. 4. Qof dabeecad adag oo aan soo loodsamin ahaansho.
qallafsanaan eeg qallafsan. ld qallafsanaansho.
qallafsanaansho ld qallafsanaan.
qallaji Wax qoyan engejin.
qallajin eeg qallaji. ld qallajis¹.
qallajis (1) ld qallajin.
qallajis (2) (c.nafl.) Xamaarato yar oo jaadad badan ah oo leh dhex dhuuban, dabo dhuuban iyo afar addin oo sida badan ku nool dhulka kuleylaha ah.
qallal (1) 1. Cudur maskaxeed nafleyda ku dhaca oo suuxdin iyo gariir keena. 2. Cudur nafleyda dhinac naafeeya; dabeyl. 3. ld qallalid.
qallal (2) 1. Wax qoyanaa engegid. 2. Qof sarco qaba suuxid. 3. Xubin jirka nafleyda ka mid ah hawl gabid.
qallalan 1. Wax qoyanaa wax engegay ahaansho. 2. Xubin jirka nafleyda ka mid ah wax hawsheedii gabtay ahaansho.
qallalid eeg qallal². ld qallal¹ (3).
qallalnaan eeg qallalan. ld qallalnaansho, qallayl.
qallalnaansho ld qallalnaan.
qallax (1) ld qaldhac¹.
qallax (2) ld qaldhac².
qallaxan ld qallacan.
<< < 1174 1175 1176 1177 1178 1179 1180 1181 1182 1183 1184 > >>

 

Exit mobile version