Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gurguurto
qalyayaxsan 1. Wax lafo waawayn oo caato ah ahaansho (qof). 2. Lafo is haysta oo hiliibkii ka dhammaaday ahaansho.
qalyayaxsanaan eeg qalyayaxsan. ld qalyayaxsanaansho.
qalyayaxsanaansho ld qalyayaxsanaan.
qamaamid eeg qamaan².
qamaamud (1) Isqarinta qof maro, maqaar iwm isku qariyo.
qamaamud (2) Maro, maqaar iwm isku qarin (qof).
qamaamudan Wax is qamaamuday ahaansho (qof).
qamaamudid eeg qamaamud².
qamaamudnaan eeg qamaamudan. ld qamaamudnaansho.
qamaamudnaansho ld qamaamudnaan.
qamaan (1) Ku soo yaacidda meel wax yaalliin ama wax ka dhaceen lagu soo yaaco.
qamaan (2) Meel ay wax yaalliin ama wax ka dheceen ku yaacid.
qamadi Badar bariiska u eg lana eg laakiin ka midab duwan oo la cuno.
qamandhaceysan Wax qamandhaco hayso ahaansho.
qamandhaceysnaan eeg qamandhaceysan. ld qamandhaceysnaansho.
qamandhaceysnaansho ld qamandhaceysnaan.
qamandhaco Qarqaryo jariirico wadata oo ku dhalata oogada marka ay dhaxan badan dareento.
qamandhacoo Qamandhaco dareemid.
qamandhacood eeg qamandhacoo.
qamanyuus Xiridda hal godol diiddey ama ilmaha diidday xarig sanka looga xiro oo neefta lagu celiyo si ay u godlato ama ilmaha u oggolaato.
qamarshiid (1) Badar aan la xasharin oo la shiiday.
qamarshiid (2) Badar aan la xasharin shiidid.
qamarshiidan Badar wax buunshaha lagu shiidey ahaansho.
qamarshiidid eeg qamarshiid².
qamarshiidnaan eeg qamarshiidan. ld qamarshiidnaansho.
qamarshiidnaansho ld qamarshiidnaan.
qambarac 1. Ceeb weyn oo ka timaada fal xun ee uu qof sameeyey. 2. Jac.
qambaruur 1. Tiiraanyo ka muuqata qof ooyaaya. 2. ld qambaruursasho.
qambaruursan Qof ooyaaya wax wejigiisa tiiraanyo ka muuqata ahaansho.
qambaruursanaan eeg qambaruursan. ld qambaruursanaansho.
<< < 1178 1179 1180 1181 1182 1183 1184 1185 1186 1187 1188 > >>

 

Exit mobile version