qandiiri Wax in yar kululayn.
qandiirid eeg qandiir².
qandiirin eeg qandiiri.
qandood (1) ld gandood¹, qandoodid.
qandood (2) Nafley si is-hoggaamis u istaagid. ld gandood².
qandoodid eeg qandood². ld gandood¹, gandoodid, qandood¹.
qanduur Siil.
qaneecaad (1) Khayr; wanaag; barako. ld caneeqaad, qaneeco.
qaneecaad (2) 1. Wax barako yeelasho. 2. Ku q.: wax ku liibaanid. ld caneeqaad².
qaneecaadid eeg qaneecaad². ld caneeqaadid.
qaneeco ld qaneecaad¹.
qani Q. ah: qof maalqabeen ah.
qaniimad 1. Hanti badan. 2. Maal gaalo laga qabsaday, kaddib markii la jebiyay colkooda. ld qaniimo.
qaniimeysad ld qaniimeysasho.
qaniimeysasho eeg qaniimeyso. ld qaniimeysad, qaniimeysi.
qaniimeysi ld qaniimeysasho.
qaniimeyso Hanti gaalo ka qabsasho, kaddib markii dagaal lagu jebiyay.
qaniimo ld qaniimad.
qaniin (1) Guud ahaan cayayaanka yaryar ee xoolaha dhiiggooda ku nool sida shilinta, dhuugga iwm.
qaniin (2) 1. Ilko si xoog leh wax ugu qabasho. 2. Cayayaan nafley dhiig ka jaqid.
qaniinid eeg qaniin².
qaniinsii 1. Nafley afka wax u gelin si uu u qaniino. 2. Cid isku dirid.
qaniinsiin eeg qaniinsii.
qaniinyo Ilkaha oo si xoog leh wax loogu qabto.
qaninnimo Qani ahaansho.
qanjaaful 1. Ciddida inteeda dheer oo ka baxda qoobka labaraaflaha iyo gammaanka. 2. Alaabta lagu dhaqmo marka ay duug noqoto. ld qajaaful.
qanjad Doonni baqalka ka yar oo hore u dhuuban gadaalna u ballaaran.
qanjaruufasho eeg qanjaruufo². ld qandhuufasho.
qanjaruufo (1) ld qandhuufo¹.
qanjaruufo (2) ld qandhuufo².
<< < 1183 1184 1185 1186 1187 1188 1189 1190 1191 1192 1193 > >>