Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qarshi  (quruush, m.dh) Lacag jajab ah oo u dhiganta hal shilin oo waayihii hore la isticmaali jirey.
qarsho  1. Weel quraarad ka samaysan oo wax lagu shubto; dhalo. 2. Maaddo adke ah, jebi og, aan midab lahayn, ilays mootiye ah oo ka sameysan ciid iyo soodhe la isku dhalaaliyey. ld qarshad.
qarsi  ld qarsasho.
qarsin  Fandhaal weyn; qudde.
qarso  Wax meel aan laga arki karin dhigasho.
qarsoodi  1. Q. ah: arrin, hadal iwm oo aan la oggoleyn inla maqlo ama la arko; sir. 2. Q. ah: hadal hoos la isugu sheego si dadka kale aysan u maqal.
qarsoomid  eeg qarsoon¹.
qarsoon1  Wax muuqaalkoodu libdhay noqosho. qarsoon2  Wax muuqaalkoodu libdhay ahaansho. qarsoonaan  eeg qarsoon². ld qarsoonaansho.
qarsoonaansho  ld qarsoonaan.
qartab  Nafley jirkeeda meel ka mid ah cagta xoog u saarid iyadoo la soconayo. ld qardab.
qartabid  eeg qartab. ld qardabid.
qartabo  ld qartabyo, qartabid, qartebid.
qartabyo  Joogsashada neef raaf lihi ku joogsado nafley kale. ld qartabo.
qartebid  eeg qartab. ld qartabo.
qaruuf1  Hardiyidda xooluhu geeska wax ku dhuftaan. ld qaruufid. qaruuf2  Xoolo gees wax ku hardiyid. ld qaruufsii. qaruufid  eeg qaruuf². ld qaruuf¹, qaruufsiin.
qaruufo  Xoolo af ku maalid.
qaruufsii  Naas xoolaad cid afka ugu lisid. ld qaruuf².
qaruufsiin  eeg qaruufsii. ld qaruufid.
qaruunbow  Nooc kalluunka ka mid ah, kuusan oo weji foolxun leh.
qaruurad  Qarsho; dhalo.
qarwid  eeg qaraw².
qarxad  ld qarxasho, qarxid.
qarxasho  eeg qarxo. ld qarxad, qarxid.
qarxi  Wax qarax ku burburin.
qarxid  eeg qarax². ld qarxad, qarxasho.
qarxin  eeg qarxi. ld qarxis.
page : 1200 of 1584
<< < 1195 1196 1197 1198 1199 1200 1201 1202 1203 1204 1205 > >>

 

Exit mobile version