Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mardaaddi
baryadilad ld baryadilasho.
baryadilasho eeg baryadilo. ld baryaddilad, baryaddilasho, baryadilad.
baryadilo Xoolo, calanaqsi samayn. ld baryaddilo.
baryaqaad (1) Dib u raamsashada ay sameeyaan xoolaha calanaqsada. ld baryaqaadid.
baryaqaad (2) Dib u raamsasho sameyn (xoolo).
baryaqaadid eeg baryaqaad². ld baryaqaad¹.
baryaysad ld baryaysasho.
baryaysasho eeg baryayso. ld baryaysad, baryaysi.
baryaysi ld baryaysasho.
baryayso Baryo ama tuugsi u bixid.
baryid eeg bari³.
baryo Si debacsan oo cid waxay leedahay ama mas'uul ka tahay loo weyddiisto; tuugmo.
baryood 1. Cunto bariday. 2. Ciir aad u dhannaan oo aan la cabbi karin.
baryootamid eeg baryootan². ld baryootan¹ (2).
baryootan (1) 1. Baryo badan. 2. ld baryootamid.
baryootan (2) Si aad ah cid u baryid.
bas (1) 1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.
bas (2) 1. Wax shidan dambas noqosho. 2. Ood iwm duugnimo awgeed la baabi'id.
basaas (1) 1. Qof, sir cidi leedahay raadiya, una gudbiya cid kale oo ay dan u tahay. 2. Qof, sir dawladeed raadiya, una gudbiya dawlad kale; sirdoon.
basaas (2) Qallaylka, googgo'a iyo midab doorsoonka ku dhaca timaha marka aan muddo dufan la marin.
basaas (3) 1. (f.g) Cid sirteeda, cid kale oo ay dan u tahay u gudbin. 2. (f.mg) Timo aan muddo dufan la marin qallayl, googgo'iyo midab doorsoon la kulmid.
basaasan Wax basaasay ahaansho (timo).
basaasid eeg basaas³.
basaasnaan eeg basaasan. ld basaasnaansho.
basaasnaansho ld basaasnaan.
basaasnimo Basaas ahaansho.
basaay Toogasho meel fog ah.
basal Khudrad ur silloon oo dhadhan kulul, caleemo dhuudhuuban oo dhaadheer iyo buruq kuusan leh oo la cuno.
basalt (jool.) Dhadhaabo midabkeedu madow yahay, wiriqaheeduna yaryaryihiin, ka abuurma ciid raran ah oo ka soo gufaacda burkaanta oo qabowday ee adkaatay.
basanbaas (1) Rafaad waxyeello weyn leh; hoog; ba'.
<< < 116 117 118 119 120 121 122 123 124 125 126 > >>

 

Exit mobile version