Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: hirqad
dheefsade (baay.) Noole quuta kuwa ka yaryar, marka laga eego xagga silsiladda cuntada. Daaqcunayaashu waxay quutaan dhirta cagaaran oo waa dheefsade hore, hilibcunayaashuna waxay quutaan daaq cunayaasha, markaa waa dh. dambe.
dheefsamayn (baay.) Samayska dheefasho ee borotiinnada, duxda iyo waxyaabo kale oo noolayaasho ku jira ee laga samaynayo moolikiyuullo iyo walxo kale oo yaryar.
dheefsasho (1) eeg dheefso. ld dheefsad, dheefsi.
dheefsasho (2) 1. (baay.) Samayska dh. ee borotinnada, duxda iyo waxyaaba kale oo noolayaasha ku jira ee laga samaynayo molikiyuullada iyo walxo kale oo yaryar. 2. (baay.) Wadarta ama isugeynta falgallada kiimikaad ee ka dhex dhaca noolayaasha.
dheefsasho-saleed (baay.) (Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaq- dhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista.
dheefshiid (1) ld dheefshiidid.
dheefshiid (2) (baay.) Burburinta uu noole burburinayo cunto soo gashay ee uu ka dhigayo kiimiko ahaan qaab fudud oo si sahlan loo nuugi karo jidhkuna uu isticmaali karo ayaa loo yaqaan dh.
dheefshiid (3) Wax dejin.
dheefshiid-dhiman (daaw.) Dheefshiid xumaada, cunnada kaddib xanuun bay leedahay, dibiro, lallabo iyo matag.
dheefshiidid eeg dheefshiid³. ld dheefshiid¹.
dheefsi ld dheefsasho.
dheefso Wax dheef ka dhigasho.
dheeg 1. Labada dhinac ee laga raro geelo middood. 2. Markabka dushiisa sare.
dheegad ld dheegasho.
dheegasho eeg dheego. ld dheegad.
dheego 1. (f.g) Wax qof kale sameeyey wax u eg samayn; ka xigasho. 2. (f.mg) Ka dh.: hilib iwm gogasho.
dheeh (1) 1. Lakab xalleefsan oo alaabta biraha, dhoobada iwm dusha laga mariyo oo dhawraarin iyo qurxin looga dhigo. 2. Dhammaajo (xabog). 3. ld dheedid.
dheeh (2) 1. Bir, dhoobo iwm lakab xalleefsan oo dhawraarin iyo qurxin looga dhigayo dusha ka marin. 2. Wax xabag dhammaajo marin. 3. Wax dhafid. 4. Cid si fiican ula dhaqmid.
dheehan (1) Wax la dheehay noqosho.
dheehan (2) Wax la dheehay ahaansho.
dheehid eeg dheeh². ld dheeh¹.
dheehmid eeg dheehan¹.
dheehnaan eeg dheehan². ld dheehnaansho.
dheehnaansho ld dheehnaan.
dheekaa Geedgaab qodax aan lahayn oo miro macaan oo la cuno leh iyo xidid wax lagu daweeyo.
dheel (1) Qabowga habeenkii soo dhaca oo wata sayax.
dheel (2) Cayaar. ld dhayl¹ (2).
dheel (3) 1. Ciyaarid. 2. Wax qabow habeenkii ku dhacay dartii la qoyid.
dheelaas (1) 1. Cayaaro farax iyo raynrayn badan darteed loo sameeyo. 2. ld dheelaasid.
dheelaas (2) Cayaaro farax iyo raynrayn badan darteed u samayn.
<< < 116 117 118 119 120 121 122 123 124 125 126 > >>

 

Exit mobile version