dheefsasho
(m.f.dh)eeg dheefso. ld dheefsad, dheefsi.
dheefsasho
(m.dh)1. (baay.) Samayska dh. ee borotinnada, duxda iyo waxyaaba kale oo noolayaasha ku jira ee laga samaynayo molikiyuullada iyo walxo kale oo yaryar. 2. (baay.) Wadarta ama isugeynta falgallada kiimikaad ee ka dhex dhaca noolayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dheefsasho ↴
dheef-burburin [m.dh]
(baay.) Burburka dheefsasho ee molikiyuullada waaweyn ee nooluhu, isugu beddelaan kuwo yar yar iyada oo la sii daynayo tamar. Neefsashada ayaa tusaale u ah falgallada taxana ah ee dh.b.ta.
dheefsad [m.l]
ld dheefsasho.
dheefsasho-saleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(baay.) (Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaq- dhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista.
dheefsi [m.l]
ld dheefsasho.
gudbin-firfircoon [m.l]
(baay.) Socodka walxahu ay kaga gudbiyaan xuubabka unugyo nool, inta badan wuxuu ka soo horjeedaa ribnaanta tiro: waa dariiqad u baahan tamar dheefsasho.
neefsasho [m.dh]
Dariiqadda dheefsasho ee xayawaanka iyo dhirta taas oo walax orgaanik ah la burburinayo lagana dhigayo walxo sahlan isla markaana tamar la soo saarayo, iyada oo lala kaashanayo molikiyuullo gaar ah oo tamarta qaada oo loo isticmaalo dariiqooyin dheefsasho oo kale. Dhirta iyo xayawaanka badankooda neefsashadu waxay u baahantahay ogsajiin, iyo kaarboon laba ogsaydh oo ah dhammaadka maxsuulka.
qanjidhka tayroydh [m.l]
(c.nafl.) Qanjidh marinla'oo laba laab leh oo laga helo lafdhabarleyda kuna yaalla salka qoorta. Wuxuu dhiijiyaa laba horomoon oo ay ku jirto ayoodhiin, oo kala ah tayrogsiin iyo tarayodhoytayrosiin, kuwaas oo xukuma dariiqooyinka dheefsasho ee jidhka oo dhan. Waxa kale oo ay duudsiyaan koritaanka duleed.