Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qarxis  ld qarxin.
qarxo  Wax qarax sameyn.
qaryaan  1. Dadka u faaliya ama xiddigaha wax uga sheega ama si kale oo been ah wax uga cuna (qof); kaahin. 2. Waxyaqaan; abwaan.
qaryad  Magaalo yar; tuulo; buulo. ld qaryo.
qaryo  ld qaryad.
qas1  1. Rabsho iyo xasillooni la'aan. 2. Siil. 3. Gumaar. 4. Meesha ay iska galaan miskaha iyo sabiisha geela. qas2  1. Milme iyo hoore isku labid. 2. Wax kala jaad ah isku darid. 3. Rabsho iyo xasillooni la'aan meel ka abuurid. 4. Ka q.: hadal, ciyaar iwm oo cid si wanaagsan ugu socotay ka dhabqin. qasaal1  Q. ah: dhar dhaqmo galay. qasaal2  Mayrid, dhaqid. qasaalan  Wax la qasaalay ahaansho (dhar).
qasaalasho  eeg qasaalo.
qasaalid  eeg qasaal².
qasaalnaan  eeg qasaalan. ld qasaalnaansho.
qasaalnaansho  ld qasaalnaan.
qasaalo  Dhar mayrasho.
qasaanqas  (c.nafl.) Nafley yar badda ku jirta leh midabka quraaradda, oogo jilicsan oo dhegdheg leh oo biyaha dul sabbeysa.
qasaasil1  1. Q. ah: badar, bariis iwm oo dhagxaantii ama wasakhdii ku jirtay biyo looga saaray. 2. ld qasaasilid. qasaasil2  Badar, bariis iwm dhagxaantii ama wasakhdii ku jirtay biyo uga saarid. ld qasil². qasaasilid  eeg qasaasil². ld qasaasil¹, qasil¹ (2), qasilid.
qasab  Geed leh quwaax sonkorta laga sameeyo, laanlaan ubaxa, alamo leh oo dhulka kulul ka baxa.
qasabad  Dhuun dheer oo bir, caag ama wax kale ka samaysan oo biyaha iwm ay maraan.
qasac  Weel yar oo macdan ama nooc kale oo bir ah ka samaysan oo cunnada iyo sharaabka lagu alxamo; daasad. ld qasacad.
qasacad  ld qasac.
qasacadayn  eeg qasacadee.
qasacadee  Cunto, sharaab iwm qasac lagu shubay ku alxamid.
qasacadeysan  Cunto, cabitaan iwm wax qasacad lagu shubay ahaansho.
qasacadeysnaan  eeg qasacadeysan. ld qasacadeysnaansho.
qasacadeysnaansho  ld qasacadeysnaan.
qasad1  1. Muraad; dan. 2. Fal si ulakac ah loo sameeyo. ld qasdi. qasad2  1. (f.g) Wax samayntooda damcid. 2. (f.mg) U q.: meel ama wax muraad ka yeelasho.
page : 1201 of 1584
<< < 1196 1197 1198 1199 1200 1201 1202 1203 1204 1205 1206 > >>

 

Exit mobile version