Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qasmaansasho  eeg qasmaanso. ld qasmaansad, qasmaansi.
qasmaansi  ld qasmaansasho.
qasmaanso  Cid waxay nasiib u heshay ku qancid.
qasmid  eeg qasan¹.
qasnaan  eeg qasan². ld qasnaansho.
qasnaansho  ld qasnaan.
qasri  1. Tirada rakcadaha salaadda oo la soo gaabsho marka safar dheer iwm lagu jiro. 2. (-iyo, m.dh) Daar weyn dhul ballaaran ku fadhida oo qaab quruxsan u dhisan. ld qasir.
qaswade  Qof rabshoole ah.
qataar1  1. Qori yar oo albaabka hoos looga xiro; handaraab. 2. Bir xoog leh oo qoryaha iyo dhagxaantaba lagu jajebiyo. 3. Q. ah: baabuur aad u duugoobay oo kala daadsan laakiin socda. 4. Nooc sixirka ka mid ah oo inta geed musmaar lagu taago isla markiiba qofka la sixraayo xanuunsada. qataar2  1. Qori adag albaab hoos uga xirid. 2. Qof sixrid, iyadoo geed musmaar loogu taagayo. qataaran1  Irrid wax xirantay noqosho. qataaran2  1. Irrid iwm wax la qataaray ahaansho. 2. Qof la sixray ahaansho. qataarid  eeg qataar².
qataarmid  eeg qataaran¹.
qataarnaan  eeg qaraaran². ld qataarnaansho.
qataarnaansho  ld qataarnaan.
qatan  1. Nafley cunto ama cabid aan helin ahaansho. 2. Wax la qaybinayey cid aan wax ka helin ahaansho. ld qadsan.
qatanaan  ld qadsanaan, qadsanaansho, qatanaansho.
qatanaansho  eeg qatanow. ld qatanaan.
qatanow  Cid wax ka qatan noqosho. ld qadsanow.
qataysii  1. Cid wax ka qadin. 2. Cid dhibaato iyo hagardaamo gaarsiin.
qataysiin  eeg qataysii.
qatimi  Xoolo in muddo ah biyo ka celin.
qatimid  eeg qatin².
qatimin  eeg qatimi. ld qatimis.
qatimis  ld qatimin.
qatin1  1. Muddada ay xooluhu biyaha ka qadaan. 2. Q.ah: xoolo aan kalkoodi gelin. qatin2  1. Xoolo muddo biyo ka qadid. 2. Ka q.: wax la qaybsanayo wax ka waayid. qatindhaaf1  Xoolo kolkii ay cabbi jireen dhaafay oo aad u oomman. qatindhaaf2  Xoolo kalkii ay ku cabbi jireen dhaafid.
page : 1203 of 1584
<< < 1198 1199 1200 1201 1202 1203 1204 1205 1206 1207 1208 > >>

 

Exit mobile version