Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: midaar
dheelmi Wax habeen guuragelin.
dheelmid eeg dheelan². ld dheelan¹.
dheelmin eeg dheelmi. ld dheelmis.
dheelmis ld dheelmin.
dheelmo Habeen socosho; guurayn.
dheelsii 1. Qof ku cayaarid ama dhagrid. 2. ld dheeli.
dheelsiin eeg dheelsii. ld dheelin.
dheeman 1. Macdan aan midab lahayn, aad u adag, kana qaalisan macdanta kale. 2. Afarta haad ee turubka mid ka mid ah, calaamad afar gees ah oo guduudan leh.
dheen Geed weyn, aan qodax lahayn, caleemo yaryar, miro macaan oo la cuno leh oo ka baxa biyo mareennada.
dheer (1) Siil.
dheer (2) 1. (f.mg) Wax aan jooggiisu gaabnayn ahaansho. 2. (f.mg) Wax meel fog ku sugan ahaansho. 3. (f.mg) Waqti muddo la sugayo ama la soo dhaafay ahaansho. 4. (f.g) Is dh.: isla mid ahaansho, kisi ahaansho (nambar).
dheeraad Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah. ld dheeri¹.
dheeraan eeg dheer². ld dheeraansho, dheeri².
dheeraansho eeg dheerow. ld dheeraan.
dheeraar Xarig dheer oo xoolaha lagu xiro si uu u daaqo una fogaan.
dheeraari Neef xoolo ah xirid si uu u daaqo, una fogaan.
dheeraarin eeg dheeraari. ld dheeraaris.
dheeraaris ld dheeraarin.
dheeraarsan Wax dheeraar lagu xiray ahaansho.
dheeraarsanaan eeg dheeraarsan. ld dheeraarsanaansho.
dheeraarsanaansho ld dheeraarsanaan.
dheeraarsasho eeg dheeraarso.
dheeraarso Neef xoolo ah si uu u daaqo meel ku xirasho.
dheerallaabid ld dheelallaabid.
dheerallabo ld dheelallaabo.
dheerallaw (2) ld dheelallaw².
dheerallow (1) ld dheelallaabo.
dheerallow (2) ld dheelallow².
dheerashiito Gaaraabidhood.
dheeraweyn Cayayaan yaryar dalagga daldalooliya oo dhuuxa ka cuna.
<< < 118 119 120 121 122 123 124 125 126 127 128 > >>

 

Exit mobile version