dheeraad
(m.l)

Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah. ld dheeri¹.

Dheeraadsiin*

waa darajo sare oo dhaqan wanaagsan ah oo Allah ku galadaysto qof: Fadiilo


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dheeraad

faa'iid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Munaafacaad dheeraad ah oo wax loo hawl galay ka helid. ld faa'id. faa'id

faa'iido [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Munaafacaad dheeraad ah oo wax loo hawl galay laga helo. 2. Badeeca marka la gado, inta raasumaalkii hore ku kororta. ld faa'ido, feydo¹. faa'ido, feydo

nabar-kul [m.l] (-ro-kulul, m.dh)
(daaw.) Awood darro iyo joog ka dhicid ay keeneen hoos udhac cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.

saayid [m.l]
S. ah: wax dheeraad ah. ld saa'id¹.

unug-dareen-wade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah urur shaqaale habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.

uurkucirroole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Nin xaakiim ah ama waayoaragnimo dheeraad ah leh.

waaya-arag [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iwm. ld waayo-arag.

yoofil [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Timo aan la firin ee si xun ku dheeraada; yoos; baabbul; hoolif.

abaalgud [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Wax qiimo leh oo la siiyo qof hawl dheeraad ah qabtay; abaalmarin. 2. ld abaalgudid.

abwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg