Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhabataysi
raadsasho  eeg raadso. ld raadsi.
raadsi  ld raadsasho.
raadso  1. Wax maqan daydayasho (qof). 2. Wax meel lagu ogaa ka doonasho.
raadtirasho  eeg raadtiro.
raadtiro  Qof si aan raadkiisa loo arkin u socosho.
raadyoosonde  (c.cimi.) Qalab iskiis isu rikoorgareeya oo lagu isticmaalo mitroolojiga, badanaa cabbi-raadda cadaadiska sare, isaga oo wata laliye ku dhigan balloon haydrojiin ka buuxdo.
raaf1  1. Qoobka hoose ee qanjaafuuluhu ku dahaaranyihiin ee lo'da ama ariga midkood. 2. Olole dad dan gaar ah laga leeyahay oo khasab lagu dumo; qafaal. raaf2  1. Nafley xasuuqid. 2. Dad khasab ku ururin. raafdillaac  (daaw.) Cudur ku dhaca labada raaf ee xoolaha dhexdooda oo ka dhasha qoyaanka. ld raafqarrar.
raafid  eeg raaf².
raafqarrar  ld raafdillaac.
raag1  1. Waqtiga uu shay soconayo, muddo. 2. Daah, habsaan. raag2  1. Daahid. 2. Waqti badan jirid. raagid  eeg raag². ld raagis.
raagis  ld raagid.
raagsad  ld raagsasho.
raagsasho  eeg raagso. ld raagsad, raagsi, raagsiino, raagsiinyo.
raagsi  ld raagsasho.
raagsiino  ld raagsasho.
raagsiinyo  1. ld raagsasho. 2. Daahid badan.
raagso  Wax imaatin-koodu dib u dhacay daahsasho.
raaji  1. Wax cumrigooda dheerayn. 2. Wax daahin.
raajin  eeg raaji. ld raajis.
raajis  ld raajin.
raalli  1. R. ah: qof faraxsan oo aan waxba tebeyn. 2. R. ah: qof aan arrin diid-daneyn.
raalliggeli  Cid wax ay raalli ku noqoto u sameyn.
raalliggelin1  eeg raalliggeli. raalliggelin2  Ficil aad qofka ku siinaysid, waxa uu rabo si uusan wax kuu yeelin ama kaaga xumaan. raallinimo  Qof wax ka raalli ah ahaansho.
raalliyad  ld raalliyo.
page : 1247 of 1584
<< < 1242 1243 1244 1245 1246 1247 1248 1249 1250 1251 1252 > >>

 

Exit mobile version