raqdanaan eeg raqdan. ld raqda-naansho, radqanaansho.
raqdanaansho ld raqdanaan.
raqdid eeg raqad. ld radqid.
raqid eeg raq².
raqiis1 1. R. ah: wax qiimaha lagu gadayo yar yahay. 2. R. ah: hadal murti iyo macno yar. raqiis2 Wax qiimaha lagu gado hoos u dhicid. raqiisi Wax qiimaha lagu gado hoos u dhigid.
raqiisid eeg raqiis².
raqiisin eeg raqiisi.
raqle Orod tartiib ah oo gammaanku sameeyo. ld ragle.
raqlee Gammaan raqle samayn. ld raglee.
raqleyn eeg raqlee. ld ragleyn.
raqo Urur xiddigo ah gu'ga soo baxa ka kooban toddoba lana kala yiraahdo: godin, listan, lixo, cadaad, aqaalli-guduud, aqaalli cad iyo afaggaal.
raquus1 1. Dhex gelidda wax dhex galo carro, dhoobo iwm. 2. Camajuujin wax la camajuujiyo. ld ruquus¹. raquus2 Wax, carro, dhoobo iwm gelgelin. ld ruquus². raquusid eeg raquus². ld ruquusid.
rar1 1. Culaabta gaadiidka la saaro; xamuul. 2. Hannaanka gaadiid culaab loo saaro. 3. Qaadka ama mugga gaadiid yeelan karo. rar2 Gaadiid culaab saarid. raragubyo Xanuun awrku dusha ka dareemo marka uu muddo dheer rarnaado.
raragubyoo Rara-gubyo dareemid (awr).
raragubyood eeg raragubyoo.
raran1 Ciid kulul. raran2 Gaadiid wax culaab la saaray noqosho. raran3 Gaadiid wax culaab la saaray ahaansho. rarangubyo ld rarangubyood.
rarangubyoo Carro qorraxdu kululaysay cago kaga gubasho.
rarangubyood eeg rarangubyoo.
raransan Cunto wax raran ku bislaatay ahaansho.
raransanaan eeg raransan. ld raransanaansho.
raransanaansho ld raransanaan.
page : 1260 of 1584
<< < 1255 1256 1257 1258 1259 1260 1261 1262 1263 1264 1265 > >>