Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fanaajiin
riiqriiqso Nafley salka nuuxnuuxin si fadhigu ugu hagaago.
riir (1) 1. Googo'laga jaro weel, maro si afkeedu u sinnaado. 2. Cayil ay keento dhalid la'aantu.
riir (2) ld riiq².
riir (3) Weel, maro iwm afkooda wax ka jarjarid si uu u sinnaado.
riiran Weel, maro iwm wax la riiray ahaansho.
riiraxanyo ld riiraxyo.
riiraxanyoo ld riiraxyoo.
riiraxanyood ld riiraxyood.
riiraxyo Qufac badan oo isdabajoogo oo ka dhasha xadanto ku dhacda hunguri cadka. ld riiraxanyo.
riiraxyoo Qof riiraxyo dareemid. ld riiraxanyoo.
riiraxyood eeg riiraxyoo. ld rii-raxanyood.
riire 1. Nagaar udgoon oo sida reexaanta subagga lagu shiilo. 2. Qori xalleefsan, adag oo haragga xoolaha markuu qallalo hilbaha looga hoolo laguna jilciyo; hiige.
riirid eeg riir³.
riirnaan eeg riiran. ld riirnaansho.
riirnaansho ld riirnaan.
riishad Bir yar, qoolaaban oo buntuqa xaggiisa hoose ku samaysan oo dib farta loogu riixo marka buntuqa xabbad laga ridayo.
riix (1) Jirro dad iyo xoolaha ku dhacda oo lafo xanuun leh; tuf.
riix (2) Wax culus oo aan la qaadi karin xoog ku dhaqaajin.
riixaan Nagaar udgoon oo subagga lagu shiilo. ld reexaan.
riixan (1) Wax, wax la riixay noqosho.
riixan (2) Wax la riixay ahaansho.
riixasho eeg riixo.
riixdin 1. ld riix¹. 2. Riixidda wax meeshii uu ku sugnaa laga dhaqaajiyo. ld riixtin.
riixgub (1) Calaamad dab ah oo ka muuqata jirka qof ama neef xoolaad oo laga gubay cudurka riixa. ld riixgubid.
riixgub (2) Qof ama neef xoolaad cudurka riixa ka gubid.
riixgubid eeg riixgub². ld riixguub¹.
riixid eeg riix². ld riixis.
riixis ld riixid.
riixmid eeg riixan¹.
riixnaan eeg riixan². ld riixnaansho.
<< < 1265 1266 1267 1268 1269 1270 1271 1272 1273 1274 1275 > >>

 

Exit mobile version