Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gur
rudnaan  eeg rudan. ld rudnaansho, rudhnaan, rudhnaansho.
rudnaansho  ld rudnaan.
rudsii   Nafley cunto uu ridmo ka goosto siin. ld rudhsii.
rudsiin  eeg rudsii. ld rudhsiin.
ruduc1  Sooh dhaclaha u eg oo dun ama mayrax ka samaysan. ld rudcid. ruduc2   Dun ama mayrax sida dhaclaha oo kale u soohid. ruducsan   Wax la rudcay ahaansho (dun ama mayrax).
ruducsanaan  eeg ruducsan. ld ruduc-sanaansho.
ruducsanaansho  ld ruducsanaan.
rug   1. Meel la deggan yahay; guri. 2. Xarun.
rųg1  Erey tilmaamaya wax dhacay dhawaaqiisa. rųg2   Wax, wasakh dusha kaga dheggan ka xoqid. rug caafimaad   1. Qayb isbitaal ka mid ah oo gaar u ah daaweynta cudur khaas ah ama bukaan-socod-eegto ah. 2. Qayb isbitaal ka mid ah oo ay isugu yimaadaan barayaal, arday iyo bukaanno si loogu baaro looguna daaweeyo bukaanna-da.
rugasho  eeg rugo.
rugayn  eeg rugee.
rugee   Meel wax la degganyahay ka dhigid.
rųgid  eeg rųg².
rugni  ld rukni.
rugo   Ku r.: wax ku xoqasho (nafley).
rugorugo  Sisin mooye lagu tumay oo inta biyo lagu daro waambaha lagu iidaan-to.
rugrug  Codka uu sameeyo dhaqdhaqaaqa wadnuhu.
rugruglee   Wadne aad u dhaqdhaqaaqid.
rugrugleyn  eeg rugruglee.
ruji   1. Geed dhulka xoog uga fujin. 2. Ku r.: cid nabar xoog ugu dhufasho.
rujin  eeg ruji. ld rujis.
rujis  ld rujin.
rujub   Maroodi lab oo hanaqaad ah oo ka takooran raxantiisa.
rukni   1. Tiirarka diinta Islaamka mid ka mid ah. 2.Tiirarka guriga uu ku taaganyahay mid ka mid ah. 3. Tiirarka salaadda mid ka mid ah. ld rugni, rukun¹ (3).
rukumad  ld rukumasho.
rukuman   1. Wax si joogto ah loo helo ahaansho. 2. Ku r.: tiir iwm wax meel ku dhaaban ahaansho.
page : 1278 of 1584
<< < 1273 1274 1275 1276 1277 1278 1279 1280 1281 1282 1283 > >>

 

Exit mobile version