saariq Qof wax xada; tuug.
saarnaan eeg saaran. ld saar-naansho.
saarnaansho ld saarnaan.
saaro 1. Nin naag u galmoosho. 2. Wan lax kudud. 3. Wax, wax kale dul dhigasho.
saarsaaran Wax, wax kale dushooda yaalyaal ahaansho. Xeerada bariiska ah hilib baa saarsaaran.
saarsaarnaan eeg saarsaaran. ld saarsaarnaansho.
saarsaarnaansho ld saarsarnaan.
saarsasho eeg saarso.
saarso Xamuul dusha ku qaadasho.
saaruq Laamaha iyo caleemaha dhirta badda oo hirku xeebta ku soo tufo ama biyaha dul sabbeeya.
saaruukh ld say-ruukh.
saas Sidaas.
saatan Sidan, sida tan.
saatir Magacyada Ilaahay mid ka mid ah.
saawayn eeg saawee. ld sawayn.
saawee 1. Wax, wax kale u ekaysiin. 2. Beden, huuri iwm seeb ku wadid. ld sawee.
saawir1 Wax kasta oo la sharaysto. saawir2 S. ah: mindi ama bir kale oo aan wax goyn oo af-beeshay. saaxi S. ah: qof maskaxdiisu tamaam tahay.
saaxiib1 Nin xiriir gacaltooyo qof kale la leh; wadey. saaxiib2 Naag xiriir gacaltooyo qof kale la leh; saaxiibad. saaxiib3 La s.: cid xiriir gacaltooyo la yeelasho. saaxiibad Gabar xiriir gacaltooyo lala leeyahay.
saaxiibid eeg saaxiib³.
saaxiibnimo Saaxiib ahaansho. ld saaxiibtinnimo.
saaxiibtinnimo ld saaxiibnimo.
saaxil Xeeb.
saaxir Nin sixirka yaqaan.
saaxirad Naag sixirka taqaan.
saaxirnimo Saaxir ahaansho.
page : 1290 of 1584
<< < 1285 1286 1287 1288 1289 1290 1291 1292 1293 1294 1295 > >>