Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabakannaaxid
sagootiyid ld saagootiyid.
sagsaag (1) 1. Googoynta shaqo loo googooyo. 2. Si isweydaar ah oo makiinadda harqaanku dunta dharka ugu tosho. 3. S. ah: qof aan si joogto ah u imaan oo googoys badan. 4. S. ah: makiinad harqaan oo si isweydaar ah wax u tosha.
sagsaag (2) 1. Hawl iwm ka maqnaansho. 2. Hawl si xun u qabasho. 3. Harqaan si isdhaafdhaafsan dhar ugu tolid.
sagsaagad Naag hawl way ka maqantahay.
sagsaagan Maro wax sagsaag lagu tolay ahaansho.
sagsaagasho eeg sagsaago.
sagsaagid eeg sagsaag².
sagsaagnaan eeg sagsaagan. ld sagsaagnaansho.
sagsaagnaansho ld sagsaagnaan.
sagsaagnimo Sagsaag ahaansho.
sagsaago Dhar sagsaag ku tolasho.
sagxad 1. Meel fidsan oo aan godnayn. 2. ld sadax.
sah Hadba xaalka markaas lagu sugan yahay.
sahal (1) Wax aan dhib lahayn ama fudud.
sahal (2) Wax fududayn.
sahami Sahan aadid. ld sahmi².
sahamin eeg sahami. ld sahamis, sahmin, sahmis.
sahamis ld sahamin.
sahamiye Qof meel loo diro si uu u soo arko oo uga war keeno.
sahan 1. Aadidda meel la aado si looga war keeno. 2. S. ah: qof meel loo diro si uu uga war keeno.
sahansan Wax la sahmiyey ahaansho.
sahansanaan eeg sahansan. ld sahan-sanaansho.
sahansanaansho ld sahansanaan.
sahansasho eeg sahanso.
sahanso Meel dan laga leeyahay soo dayasho.
sahasho eeg saho.
sahay (1) Cunto loo qaato in lagu jidma-ro; jiscin.
sahay (2) Cunto jidmar ahaan cid u siin.
sahayasho ld sahaysasho.
sahayid eeg sahay².
<< < 1295 1296 1297 1298 1299 1300 1301 1302 1303 1304 1305 > >>

 

Exit mobile version